Dhammaan Bulshada reer Somaliland gaar ahaanna Gobolka Gabiley waxa
la gaysiinayaa in la caleemo saari doono Chief Caaqilka Cusub ee
Gobolka Gabiley, Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle, isaga oo buuxin
doono Jagadii uu ka geeriyooday Aabihii Marxuum Cabdi Ciidle Ammaan,
oo ahaa Chief Caaqilka guud ee gobolka Gabiley, 19-kii bishan
geeriyooday.
Sidaas darteed Caleemo SAarka Chief Caaqilka Cusub oo hore loogu
qorsheeyey Inay Qabsoonto khamiista
bulshada in dib loo dhigay xafladdii caleemo saarka, iyadoo la qaban
doono haddii Alle Idmo 5-ta bisha November ee Sanadkan 2013-ka oo
taariikhda Islaamiga ah waafaqsan 1-da bisha Muxarram ee sanadka 1435.
Haddaba waxaan la socodsiinaynaa cidkasta oo ka tirsan beesha uu
caaqilka u yahay, iyo dhammaan bulshawaynta reer Soomaaliland inay
kasoo qaybgalaan caleema saarka jiif caaqilka cusub ee Dayib Cabdi
Ciidle.
Allaa Mahadleh
wajaalenews