WAJAALE NEWS

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) Halyey Ka Baxay Bahweynta Suugaanleyda Af-Ka Soomaaliga Iyo Umadda Reer Somaliland-ba.

 

“Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii,waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay.” Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa(WJN):-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu dhambaal tacsi  ah u dirayaa Qoyskii, eheladii, qaraabadii, Suugaanleydii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa,Kadib markii isla maanta geeriyooday.   

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan

Xisbiga, iyo ka taageerayaasha Xisbiga UCID ee ku kala nool dunidda dacaladooda, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Alle ha u naxariiste Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali-Banfas) oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa. Alle ha u naxariiste Marxuum Abwaan Cali Banfas  waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay.

Waxa uu ahaa Marxuumku Nin wanaagsan oo dadka jecel oo Suugaantiisa aad looga wada-yaqaano dhulka Soomaalidu degto,waxa uu ahaa Macalin, isla markaana waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isaga oo  kaalin miisaan leh ka soo qaatey halgankii dib-u-xoreynta dalka,halkan kuma soo koobi karayo taariikhda Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas).

Marxuum Cali-Banfas waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikhda lagu xasuusan doono, waxaanu muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan-jiif ku ahaa Magaalada Hargeysa.  

Waxaan si gaara u tacsiyadeynayaa qoyskii,eheladii, qaraabadii,Bahweynta Suugaan-leyda Af-ka Soomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Magaalada Hargeysa, kadib markii uu isla maanta geeriyooday.

Geeridu waa xaq oo naf-kasta way dha-dhamin doonta, waana la wada dhimanayaa,Waxaanan Marxuumka ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

 INAA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN

WAJAALE NEWS OFFICE

HARGEISA

Exit mobile version