WAJAALE NEWS

Midawga Afrika Oo Maanta Addis-Abbaba Ugu Shiraya Sidii Ay Afrika Uga Bixi Lahayd Maxakamadda ICC, Iyo Madaxweynaha Kenya Oo Hanjabay Iyo Walaaca Hay?addaha Xuquuqal Insaanka.

Addis-Abbaba -(Wajaale News)-  Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku hanjabay in uu qaadacayo kiiska dhegaysiga dacwada loo haysto isaga oo ku eedaysay maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ee ICC,ka dalbaday maxakamadda caalamiga ah ee Danbiyadda ee ICC, in ay joojiso qaadista dacwada lagu soo oogay, isaga oo xusay in madmadow la geliyay nidaamkii sharciga ahaa ee makhraatiyaasha oo ay maxkamaddu si gaar ah oo aan cadaalad ahayn ay u maroorsatay qaadista kiiskan.

Qareenadda u doodaya Madaxweynaha dalka Kenya

President Uhuru Kenyatta, ayaa ku eedeeyay garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadda  in ay baal mareen sharciga oo ay qaadista dacwadan si khaas u maamuleen, waxaanay ka dalbadeen in ay joojiyaan dacwada loo haysto Madaxweynaha Kenya, waxaanau u gudbiyeen maxkamada qoraal ka kooban 38 bog.

MadaxweynahaKenya ayay ku eedaysay maxkamadda ICC, in uu ka qayb qaatay abaabulkii dadkii tirada badnaa ee lagu laayay doorashadii muranka weyni ka dhashay ee ka dhacday dalka Kenya sanadkii 2007-dii, waxaana lagu wadaa in dhegaysiga  loo haysto Madaxweynaha Kenya ay bilaabanto bisha Nov, ee sanadkan aynu ku jirno.
Dhinaca kale, wadamadda xubnaha ka ah Midawga Afrika, ayaa lagu wadaa in maanta kulan ku liddi ah maxakamadda caalamiga ah ee ICC, ay ku yeeshaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii ay qaaradda Afrika uga bixi lahayd  heshhiiskii lagu saxeexay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ee ay ku saxeexeen ka mid ahaanshaha xubinimada Maxkamadda caalamiga ah ee danbiyadda ee ICC.

Sidoo kale, in ka badan 130 hay?addood oo u doodda illaalinta xuquuqada aadamaha ayaa walaac xoog leh ka muujiyay shirka  maanta Midawga Afrika uga furmaya magaalada Addis-Ababa , waxaanay tibaaxeen hadii Midawga Afrika uu isku raaco ka bixista heshiiskii Roma in ay dhabaha u sii xaadhayso korodh xoog leh oo ku yimaadda tacadiyada lagula kaco xuquuqdda aadamaha ee qaaradda Afrika.

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

Exit mobile version