apJames Clapper ayaa sheegay in arrintaas ay muhiim u tahay dadka dejiyo siyaasadda Maraykanka.Hasa ahaatee, waxaa uu sheegay in basaasidda Maraykanku aanay u dhicin si kala sooc la’aan ah. Waxaa uu sheegay in madaxda iyo sirdoonka Maraykanka laftoodu la basaaso, oo ay basaasaan dowlado loo arko inay xulafo yihiin.
Weriyaha BBBC-da ee Maraykanka Jonny Bymond ayaa sheegay inaan laga fili karin madaxda sirdoonka Maraykanka inay cudur daar bixiyaan. Hadalkan ayaa soo baxayo iyadoo ay jiraan qoraallo sir ah oo laga soo xiganayay ninka horey ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka Edward Snowden.
Madaxweyne Obama ayaa horey u sheegay in dib u eegid lagu samayn doono qaabka ay sirdoonka Maraykana wax u basaasaan. Waddamada Yurub ayaa ka carooday wararka sheegayay in sirdoonka Maraykanka uu basaasay madaxda iyo dadweynaha Yurub.