Wajaale (Wajaale-news)-Madaxweyne ku xigeenka ahna Wasiirka Cadaaladda ahna Hogaanka Nabad geliyada Dawlad deegaanka Somaliada Itoobiya C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada xadka ku taalla ee Tog-wajaale.
Weftigan uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya), ayaa shalay soo gaadhay Magaalada Wajaale, gaar ahaan qaybta dhinaca Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay weftigani u yimaadeen arrimo dhawr ah oo la doonayo inay halkaasi laga hirgeliyo.
Weftigan, ayaa la sheegay in markii hore ay dadweynaha ku dhaqan Wajaale ee dhinaca Itoobiya isku diyaariyeen inuu Madaxweynaha Deegaankaasi Cabdi Maxamuud Cumar u imanayo, ayaa markii uu ku xigeenku yimid Maamulka halkaasi lagu canaantay sababta ay dadweynaha ugu sheegeen inuu Madaxeynuhu imanayo.
Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya) iyo weftigan uu hogaaminayo, ayaa la sheegay inay halkaasi u yimaadeen arrimo ay ka mid yihiin in Degaanka Wajaale laga dhigo Degmo, taas oo markii hore ahayd maamul hoosaad ama qabalay iyo in Magaalada Wajaale loo ogolaado in sharciyada dalkaasi laga bixiyo.
Weftigan, ayaa la sheegay inay Kulamo la yeesheen Odayaasha Deegaanka Wajaale, gaar ahaan dhinaca Itoobiya oo ay ka wada hadleen arrimahaasi, iyada oo aan la ogayn waxyaabaha ka soo baxay kulankaasi iyo qodobada rasmiga ah ee ay kaga wada hadleen, balse ilo Wajaale jooga ayaa Saxansaxo u sheegay inuu weftigaasi yimid halkaasi oo ay arrimahaasi iyo qaar kale u socdaan.
Madaxweyne Xigeenka ayaa sidoo kale dadweynaha ku dhaqan halkaasi kala hadlaya sidii ay amaanka u xoojin lahaayeen, maadaama oo ay wajaale tahay meel xad ah oo ay inta badan isaga gudbaan labada dale e Somaliland iyo Itoobiya.
WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com