WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Digreeto Uu Soo Saaray Ku Magacaabay Degmo Cusub Oo Ka Tirsanaan Doonta Gobolka Sanaag

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

        Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed MaxamedMaxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahayJSL/M/XERM/249-2096/102013 uu

  degmo ugu magacaabay Awr-

boogays oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                             Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Markuu Arkay:                             Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-bedelidda Qaab-dhismeedka Dalka.

 

Markuu Tix-geliyey:                    Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka.

 

Markuu Tix-geliyey:                    Baahida loo qabo in Degmada Awr-boogays loo magacaabo Degmo cusub.

 

Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

 

Wuxuu go?aansaday

 

In uu Awr-boogays u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

Exit mobile version