WAJAALE NEWS

Madaxwayne Silanyo Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo Gaadhay Dalka Turkiga.

madaxwayne siraanyoIstanbuul(Wajaale News)  –Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayo ayaa si rasmiya u cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qadiimiga ah ee istaanbuul.

Halkaas oo uu Madaxweynaha iyo weftigiisu ay habeenkii xaly ka waxaana madaxweynaha ku qaabilay kuna soo dhaweeyey garoonka masuuliyiinta wadanka turkiga, waxaana weftiga madaxweynaha la dejiyey hotel loogu talo galay.

waftiga maxadwaynaha ayaa maalmaha soo socda la kulmi-doona raysalwasaaraha iyo madaxda kale ee wadankan Turkiga.

Weftiga Madaxweynuhu waxay marti qaad rasmi ah ka heleen dawladda dalkaasi, waxaanay labada dawladood ka wada xaajoon doonaan qodobo la xidshiidha sidii loo sii taabo-gelin lahaa wax wada qabsiga labada wadan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo socdaalkan ku weheliyay Marwadda Koowaad, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version