WAJAALE NEWS

Madaxtooyada Somaliland Oo Saaka Isku Balaadhisay Dhul Ay Daganaayeen Dad Danyar Ah Oo Ay Kujiraan Dad Naafo Ahi.

Hargaysa (Wajaale News)- dad danyar ahaa oo daganaa inta u dhaxaysa qasriga madaxtooyada somaliland iyo wasaarada maaliyada ayaa waxaa saaka subuxii hore ku waabariistay ciidamda ilaalilad madaxtooyada Somaliland si ay u raraan dad daganaa galbeed madaxtooyada ,dadkan ayaa waxaa kamid ahaa dad naafo oo aan socod lahayn oo lagu arkayay iyagoo jiifa hadhka geedaha hoostooda iyadoo dawladii raraysay aanay wax miciin ah u fidin dadkaa curyaamiinta ahaa iyadoo laga doorbiday in loo raro oo kaliya agabkooda.
Dadkii danyarta ahaa ayaa u xaqiijiyay shabakada caalamiga ah ee Wajaalenews  in loo rarayo meel ka baxsan caasimada oo ah koonfurta Hargaysa oo ka shishaysa xabaalaha xeedho.

 

Dadkan ayaa u ekaa dad quus taagan maadaama loo rarayo meel aan lahayn adeegyada aasaasiga ah sida biyo, goobo caafimaad iyo iskuulo midnaba.

Goobtan dadka laga rarayay ayaan lagu arkayn masuuliyiinta qaran iyadoo ay meesha dhoobnaayeen ciiidamada koofiyad casta ah ee ilaaliad madaxtooyada. Waxaana kale oo naloo xaqiijiyay in ay madaxtooyadu dhisanayso meeshan laga rarayo dadkan danyarta ah.

Isku soo wada duuboo xukuumadiihii kala danbeeyay ee soomaray ayaa waxaa caado u noqotay in ay dadka danyarta ah u raraan meelo geeri go?an ah oo aan loogu sii diyaarin wixii ay dadkani u baahnaayeen.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version