WAJAALE NEWS

Maayir Ku Xigeenka Gabiley Iyo Xildhibaan C/samad Jamaado Oo Kormeer Indho-Indhay Ah Ku Tagay Degmada Aleybadey Ee ka Tirsan Degmada Gabiley

Alleybadey(Wajaale News) maayer kuxigeenka degmada gailey cabdi yuusuf daahir oo uu weheliyo xildhibaan c/samad sh.aadan jamaado ayaa kor meer indho indhay ah ku tagay, degmada alleybadey ee ka tirsan degmada gabiley.


Waxaan ugu horeyn halkaaasi ka Hadley maayer kuxigeenka degmada gabiley cabdi yuusuf daahi waxaanu yidhi” maanta waxaynu joognaa degmadii alleybadey ee nalaga doortey ujeedada socdaalkayagu waa inaanu u kuurgalo xaalada guud ee degmada gabiley iyo inaanu kulan is xogwareysiya la qaadano madaxdhaqameedka iyo ganacsatada oo anu ka wada hadlno horumaritta degmada.” Ayuu yidhi maayer kuxigeenku
Xildhibaan c/samad sh.aadan jaado oo halkaasi ka Hadley ayaa ka dhawaajiyey ina dhamaan adeegyadii arimaha bulshada ee degmada alleybadey ay aad u liitaan, waxanu dadweynaha ku booriyey inay u istaagaan horumarka degmada


Waxaaney xildhibaanadu kormeer indho-indhay ah ku tageen dhamaan dugsiyada waxbarasho ee kuyaal degmada alleybadey, waxaaney kulan kula qaateen macaliminta iyo maamulayaash dugsiyadaasi, waxaaaaney ka dhageysteen dhibaatooyinka haysta.


Sidoo kale intii ay xildhibaanadu kusugnaayeen degmada alleybadey waxay kulan la qaateen madaxdhaqameenka iyo ganacsatada degmadaasi, waxaaney ka dhageysteen cabashooyin isbiirsadey oo ay mudo dugsanayeen, waxaaney xildhibaanada ugu mahad celiyeen sida wanaagsan ee ay ugu kuurgalayaan xaaalada degmadii laga doortey
Gabogabdiina waxay kormeer kusoo mareen suuq weyn ee degmada alleybadey oo uu buuxdhaafiyey xashiish iyo godada waaweyn oo ka bilowdey suuq dhexdiisa.

 

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info;wajalnews@gmail.com

Exit mobile version