WAJAALE NEWS

Maareeyaha Dekeda Berbera Iyo Maamulaha Kastamka Berbera Ayaa Si Wada Jir Ah Beeniyay In Koontiidhar Dhagxaan Macdan Ah Ay Shirkada Genel Energy Ka Dhoofisay Dekeda Berbera

cali xoor xoorBerbera (Wajaale News)-Maareeyaha Dekeda Berbera ENG Ali xoor Xoor Iyo  Maamulaha Kastamka Berbera Ayaa kulam balaadhan oo ay saxaafada kula hadleen ku beeniyay War  ay  baahiyeen warbaaahinta qaar , Waxana hadaladoodii kamid ah:
Waxaanu donaynaa in aanu shaafino oo beenino War ku soo baxay warbaahinta qaar oo ahaa in shirkadii shidaalka Ee Genel Energy Ay dhagxaan Macdan Ah container Ku soo gurtay Oo ay dekeda berbera ka dhoofinayso. Hadaba waxan beenayninaynaa warkaas Oo waxan leenahay war jira maaha wax macdan ah oo dekeda soogaadhayna ma jiro 1grm na ha ahaadee.
Shirkada Shidaalka Genel Energy waxay sifo sharci kaga la soo degtay Madaarka Berbera
27-March-2013 Alaabta Uu magaceedu yahay Geographical Survey Equipment Alaabtaas , Alaabtaas oo ay markii dambe qayb  ka mid ah codsadeen inay dib u ceshadaan sifo sharci ahna loo maray Oo markii ay dekeda soo galeen baadhitaan lagu sameeyay iyada oo ay goob jog ahaayeen dhamaan qaybaha dekeda Kastamka Iyo Bilayskuba.
Sidaa darteed Waxan ka xunahay warkaa been abuurka ah ee lagula kacay hay’adaha dawlaiga ah ee Dekeda Iyo Kasmtamka ,.
Waxanan u so jeedinayaa saxaafada madaxa banaan inay ka waantoobaan qorista war aan xaqiiqda ahayn.

Eng Ali Cumar Mohamed (Maareeyaha dekeda bebera)
Mohamed Abdi Gurhan (Maamulaha kastamka Berbera)
Mohamed Dacar Ibraahim (Taliyaha Saldhiga Dekeda)

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version