WAJAALE NEWS

MA MAATA AYAY XUKUUMADA KULMIYE DAFIRTAY GOBALNIMADA GABILEY

Gabilay wasiir maqar saara gobalnimada udaba fadhiisan mayso

Waxa xusuus mudan in maskaxda  aynu  dib ugu yara celino maalmihii ama sanadihii uu kulmiye ahaa mucaaradka reer gabilay waxaan muran ka taagnayn in siilaanyo  ay ahayaen garabka kaliya ee agtaagnaa sided sano  hadaba waxa iga reeban waxaan marag iyo markhaati lahayn hadaladii uu axmad siilaanyo kula hadli jiray dadweynaha reer gabilay waxaan ka xasuustaa xisbiga kulmiye waa gabilay ,gabilay waa kulmiye xataa heer waxa uu gaadhay uu siilaanyo yidhaahdo gobalka gabilay waxaan ubixinayaa gobalka kulmiye

Hadaba manta halkeebay kala taagan yihiin  xukuumadii  iyo gabilay maxaase wax horumara ay kusoo kordhisay gobalkii gacantooda kusoo saaray xukuumadani  hadaba waxaan shaki ku jirin waxay kusoo kordhisay iskadaaye ay uquudhiwaayeen gobalkii ay ahaayeen in ay kaga qaybgalaan mashaariicda laga fulinayo jamhuuriyada s/land,iskadaa waxkaloo waxii ay hore ay uga dhaxleen xukuumadii udub ay baabiinayso. Dareenkani  togan saamyn intee leeg ayay urkaan xukuumadu ,waayahay aan usoo noqdo ujeedadayda .

Waxan hadaba weydiinayaa xukuumadu malaqabtaa sacad cali shire gabilay maaha gobol iyo way tahay 

Hadan suaashaa udaayo xukuumada  wa kuma sacad cali shire waxaan fikir ahaan uarka anin aan aqoon ulahayn wadnkan iyo tariikhda uu soomaray  waayo waxa uu ahaa qurba jog mudo badan kunoolaa dibda  taasina aanay u arkayn wax weyn wasiiryar oo shaly dalka yimi oo aanay waxba usheegin dadkii uyeedhay waxaanu hadaba usheegaynaa in aanay udaba fadhiisan doonin gobalnimada ay lahaayeen .

Waxaan usheegayaa xukuumada abaalka daran in aanay aqbali doonin reer gabilay mashruuckasta ooan wadnin astaanta gobalka gabilay .

Dadkii shalayCodka  soo doortay xukuumada in ay halkii taagan yihiin weliba ay kasii bateen oo manta waxa codaynaya shalay dhalinyaradii aanu sharcigu u ogolayn .badhasaabka gobalka gabilayna waxaan leeyahay taariikhbaa hadha maxaa kaa duway badhasaabada wadankan kula midka ah.

Xildhibaanadan sida bilaakaraamada ah loo xidh xidhayana maqabato oo waxaa ilaashanaya dadkii soo doortay hadad garanaysaan magaca iyo milgaha  sharciga wuxuu dhigayaa qodobka 24aad eexeerka  ismaamulka gobalda iyo degmooyinka faqradiisa sadexaad  taasoo qeexaysa  in xubinta golaha ka mida aan laqaban Karin  laxidhi Karin ilaa lasoo qato ogolaansho sharciya.waxa laqabankaraa marka faldanbiyeed uu gacanta kula jiro

Hadalkayga waxaan kusoo koobayaa wanu ognahay in moobilka wax lagaaga yeedhiyo sidaana ku joogimaysid ee caga dhigo inanyahow waxanu si toosa uga soo horjeednaa xeerka ay wasiiradu daba kariixayaan ee lagu cabudhinayo

ENG:DAAUUD ABIIB AXMAD

AFHAYEENKA XUSBIGA WADANI EE GABILEY

Exit mobile version