WAJAALE NEWS

10 Talo Oo Kuu Horseedaya Guul Dhanka Waxbarashada Ah.

Samayso waqti aad nasato: arday badan waxay sameeyaan akhris xidhiidh ah oo aan lahayn waqti u dhaxeeya kaas oo keeni kara in maskaxdu daasho

 

Qormadan waxaan idinkula wadaagayaa talooyin ardayga gaadhsiin kara guul dhanka waxbarashada ah.

1: Akhris badan : inakoo ka wada dharagsan faa’iidada balaadhan ee laga helayo wax akhriska sidoo kalena aayadii ugu horaysay ee nabigeena nnkh lagu soo dajiyay ahayd ,, akhri,, ayaa hadana marka laga hadlayo guusha akhrisku wuxuu noqonayaa furaha guusha .

2:Akhri buugaagta  taariikhda ah : akhrinta buugta taariikhda ah waxaad ka baran kartaa waxyaabo badan sidoo kalena buugta taariikhda ahi waa buug waawayn kuwaas oo kugu dhiiri galinaya wax akhriska waayo waxay ka koobanyihiin safxado badana kamana xiiso dhacaysid.

3: Samayso waqti aad nasato: arday badan waxay sameeyaan akhris xidhiidh ah oo aan lahayn waqti u dhaxeeya kaas oo keeni kara in maskaxdu daasho kadibna uu yaraado fahamka iyo xifdigu , hadaba markaad wax akhrinayso yara naso halkii saacba mar waana habkii ay samayn jireen culimadii hore ee muslimiintu kuwaas oo caan ku ahaa faham badan iyo kutub badan oo ay qoreen.

4: Nidaami waqtigaaga : hadba sida aad waqtigaaga u maarayso ama uga faa’iidaysato ayay ku xidhnaan doontaa guushaada iyo guuldaradaaduba. Sidaa darteed waa muhiim in aad waqtigaaga nidaamiso jadwalna aad samaysato kuu xadidaya markaad wax akhrinayso iyo waxaad akhrinaysaba.

5: ka fogow warwarka iyo walbahaarka      ha warwarin wax walba oo dhaca : waxa la isla waafaqsanyahay in warwarku yahay carqaladaha ugu waawayn ee qofka u diida in uu guul hiigsado , hadaba ilaahay talo saaro warwarkana ka fogoow.

Waxaad warwarka kaga hortagi kartaa inaad badiso xuska rabbi swt  sidoo kalena aad salaadaha ku tukato Jamac quraankana aad akhrido

6: Socodka joogtee : ugu yaraan 30 daqiiqo soco maalintii  maxaa yeelay socodku wuxu u fiicanyahay caafimaadka jidhkana wuxuu siinaya firfircooni.

7: iska bakhtii moobilka:  marka aad wax akhrinayso ama aad cashar diyaarinayso iska dami moobilka gacanta si aanu kaaga carqaladayn akhriskaaga ,

8: Meel daggan wax ku akhri:  ka fogow buuqa markaad wax akhrinaysid sababtoo ah waxaa lumaya ama yaraanaya fahamka iyo xifdiga waxa aad markaa akhrinaysid.

9: Niyadda  wanaaji :  dhalinyaro badan waxay akhriska bilaabaan marka imtixaanku soo dhawaado waxayna u dadaalaan si ay imtixaanka u baasaan taaso keenaysa in uu waqtiga intiisa kale aanu ardaygii waxba akhrin hadaba wax u baro si niyad ah iskuna day in waxa aad baranayso aad ka gun gaadho oo inbadan aad akhrido.

Niyada gali in waxa aad baranayso aad ku anfacdo naftaada, umadaada sidoo kalena ajar ayaad xagga rabi kaga heli doontaa hadaad u niyoota waxaad baranayso inaad ummadaada ugu faa’iidayso

10  Duco :  qodobka ugu danbeeya ee aynu kusoo khatimaynaa waa in uu ardaygu ku dadaalo ducada ilaahayna ka baryo inuu u fududeeyo waxa uu baranayo

Intaas ayaynu kusoo koobayna tobankaa qodob oo aan rajaynayo in qofkii ku dhaqma ay anfici doonaan insha allah ilaahay xaqqa ha inagu sugo.

W/q : cabdi qani yusuf qasim.

Mrcabdiqani@gmail.com

 

Exit mobile version