WAJAALE NEWS

Kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO Oo Ka Furmay Magaalada Boorama

dalada sonyoBoorame(Wajaale News)-Waxa si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee Golaha Sare Ee Dalada SONYO,kaasi oo ay ka qayb  qaadanayeen gabi agaanba 19ka Xildhibaan ee laga soo doortay  Gobolada Jamhuuriyada Somaliland, waxana goob joog ka ahaa Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar iyo xildhibaano  ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama.

Ugu horayntii ayaa gudoomiye kuxigeenka dalada SONYO  Mustafe Maxamed Daahir oo furitaankii kalfadhigan ka hadlay uu yidhi ?Waxa ii farxad ah inmaanta uu si habsami ah uga furmo magaalada Boorama kalfadhigii 26aad ee GolahaSare Ee Dalada SONYO, waxa aan rajaynayaa in mudada 2da
maalmood ah ee uu socdoay ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah oo wax ka tara baahida dhilintaSomaliland maanta qabto isla markaana u adeegaya mabaadiida loo aasaasay daladaSONYO?

Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada  Somaliland ee SONYO  Mubaarik Ismaaciil Taani oo isaguna hadalka ka daba qaatay ayaa salaan u diray gabi ahaanba   dhalinyarada reer Somaliland waxana uu intan daba dhigay ?Waa noo farxad inkalfadhigan Golaha Sare Ee Dalada SONYO uu si rasmi ah noogu furmo, waa siyaasada  dalada in afartii bilood ee kastaba dib loo eego hawlaha ay dalada heer qaranee SONYO ku foogan tahay ee ay u hayso dhalinyarada Somaliland oo dhan, waxa   kalfadhigan lagaga wada hadli doonaa waxyaabo badan oo quseeya hormarkadhlinyarada Somaliland, baahida maanta jirta iyo duruufaha ku gadaaman dhalintaiyo sidii looga gaashaaman lahaa, mudada uu kalfadhigu socdo waxa aan dib ueegis ku samayn doonaa waxyaabahii dalada u qabsoomay afartii bilood ee la soodhaafay, sidoo kale waxa aan ku qorshayn doonaa waxyaabaha u baahan in diiradala saaro ee la qaban doono afarta sano ee soo socota?

Gudoomiye Mubaarik isaga  oo ka hadlay masiibada qaran ee Tahriibta ee dhalinta Somaliland dhabarka  ka jabisay “Waxa ay dalada SONYO tacsi u diraysaa dhamaan qoysaska reerSomaliland ee ay dhalintiidu ku naf wayday masiibada heer qaran ee tahriibta,waan dareensanahay inay Tahriibtu tahay masiibo qaran, waan ka xunahay dhalintaku nafwayday, waxana aan ku baaqaynaa in talo qaran laga yeesho”

Maayarka Boorama  Saleebaan Xasan Xadi oo halkaasi ka hadlayayaa carabaabay in SONYO ay wax badan ku guulaysatay hiigsiga ujeedooyinkii loo  aasaasay waxana uu yidhi  “Waa hubaal inay SONYO soo saartay dhalin badan oomaanta hanaanka talada dalka iyo siyaasada ka qayb qaata, sidaas oo kale waxa SONYO ka soo baxay dhalin badan oo wax tar u leh bulshada, waxana hubaal ah inhadii rag badan oo maanta axsaabta siyaasada ku jira ay ahaan lahaayeen kuwo   carbisan hadii ay bahda SONYO ku jiri lahaayeen isla markaana ay hufnaan kaga   qayb qaadan lahaayeen toosinta iyo tusaalaynta masiirka umada Somalilandmaanta?

Maayar Saleebaan isaga oo hadalkasii wata waxa uu yidhi “Mar hadii SONYO wax badan ka midho dhalisay hiigsigahimiladaasi, waxa loo baahan yahay in culayska iyo tamarta ay isugu gayso sidiiay bulshada uga wacyi galin lahayd masiibada Tahriibta  oo maanta ah dhibaato  balaadhan oo dhalinteena u soo hoyatay, ah”

Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed  Maxamed oo isagu kalfadhigan si rasmi ah u furay ayaa yidhi “Waxa aan kufarxsanahay inaan markii koowaad dalada SONYO kala soo qayb galo kalfadhi ay  leeyihiin, sidoo kale waa wax lagu farxo in la arko dhalinyaradii Somaliland oo  dalad ku midaysan, waxana ay astaan u tahay dalku sidii uu isugu xidhmi lahaa  maadaama oo xooga dalku u badan yahay dhalinyaro, sidoo kale dhalinyaradu waa  awooda qaran leeyahay ee uu ku fadhiyo”Ayuu yidhi Badhasaabka Awdal

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Mar hadii aaad tihiin dhalintii iyoxoogii dalka ee maata iyo sidoo kale madaxdii dalka ee barito, waxa la idiinkabaahan yahay inaad u guntataan in aad dalkiina dib u dhis ku samaysaan islamarkaana, aad taageero u noqotaan in la taabo galiyo nidaamka dawliga ah ee  dalkeena ka jira oo u baahan in la baxnaaniyo oo la sii taaba galiyo, waana hubaal wax badan oo is jiidjiidasho ah oo ka jirta dalka in aad dhalinyaro ahaan tihiin cida kaliya ee dhex u noqon karta oo kan qaldan qaban karta kan saxana  hiilka u noqon karta. Waxana aan ku faraxsanahay in dhalintu maanta ay qayb kanoqoto hanaanka dawliga ah ee dalka oo ay baryihii hore ka madhnaan jireen,waxana loo baahan yahay inaad sida ugu haboon uga faa?iidaysaan mansabka dhalinyaro nimo ee aad xambaarsan tihiin, noqdana kuwo dhalinta ka wacyigaliyaTahriibta maanta masiibada ah, una sheesha dhalinta inay ka waantoobaan” ayuu  hadalka ku soo gabagabeeyay. Cabdoo Axmed Aayir Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee dalada  dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ee SONYO waxa ay u ololaysaa helida iyohirgalinta siyaasado cad-cad oo horseeda shaqo abuuris lagu jiheeyodhalinyarada dalka, laguna maalo cilmigooda casriga ah caqligooda iyo cududooda  dihin.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

Exit mobile version