WAJAALE NEWS

Hargeysa: Cawayskii Xalay Iyo Wacdarihii Fanaaniinta Qaranka Oo Soo Bandhigay Ruwaayad Loo Wada Riyaaqay Oo Far Waaweyn Ku Gudbinaysay Farriimo Is-barkan

Hargeysa (Wajaale News):- Qaar ka mid ah Fannaaniinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay fankoodii gaaxda ahaa maraqa uga jiray bulshada reer Hargeysa, waxaanay soo bandhigeen ruwaayad aad loogu bogay oo xambaarsanayd farriimo culus.

Ruwaayaddan oo isugu jirtay heeso wadaniya oo qiiro-galiyey bulshada, Majaajillo, Maansooyin iyo Sheekooyin xiiso badan ayaa waxaa curiyey oo maskaxdiisa ay kasoo maaxatay abwaanka da?da yar ee Maxamuud Xuseen Qaalib (Maxamuud-Wadani) oo ah hal-abuur ay Muc leedahay suugaantiisu, kuna sifoobay wadaniyad xeel-dheer.

Badi heesaha ku jira ruwaayaddan waxaa laxameeyey fannaanka da?da yar ee Maxamed Miyir oo hibo loo siiyey kuna caan-baxay

curinta laxamada tayada leh ee had iyo goor soo jiita kana dhex danana dareenka bulshada. Halka Musigana uu saaray wiilka faraha lagaga gubtay ee Maxamed Xaaji Xasan.

Ruwaayaddan oo magaceedu ahaa “Saxbaa Qalad Lagu Saxaa” ayaa waxaa hoggaaminaysay fanaanadda caanka ah ee Ruun Xaddi Sabban. Waxaana ku weheliyey fanaaniinta kala ah Maxamed Maxamuud Cige (Busi), Ikraan Jaamac Ismaaciil, Cumar C/raxmaan (Cumar-Shabeel), Hoodo Xuseen Xasan Iyo Siciid Maxamed Cabdi (Siciid-Kuuriya).

Ruwaayaddan oo muujinaysay gaaxda fankii qiimaha lahaa ee bulshadeenu ku caano-maashay ayaa xambaarsanayd farriimo culus oo far waaweyn ay ugu gudbinaysay guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland. Waxaana la odhan karaa waxay ahayd ruwaayad ujeedo badan ah.

Ruwaayadda oo baalasha ku kala bixisay oo si guud ula hadlaysay bulshada ayaa hadana waxay si gaar ah u beegsatay diiraddana u saartay Mucaaridka iyo Muxaafidka. Iyadoo wax ku tustay Lambarro ama tirada kow labada iyo qoryo xaabo ah.

Haddaba ruwaayaddan oo qaybaha kala duwan ee bulshadu kasoo qayb-gashay kana mid ahaayeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda, ayaa xalay lagu dhigay laguna daah-furay mid ka mida hoolalka waaweyn ee Maansoor Hotel.

FG: Wixii Su?aalo Ah Ee Ruwaayaddan Qiimaha Badan Ku Saabsan Waxaad Kala Xidhiidhi Kartaa Hal-abuurka Curiyey Abwaan Maxamuud-Wadani Oo Tell-kiisu Yahay 00-252-63-4404343.

 

Hargeysa Office

Wajaale News

Exit mobile version