WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan-Ciro) Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Geerida Kutimid Chief Caaqil Cabdi Amaan

Hargeysa(Wajaale News)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga M,ucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan-Ciro) waxa halkan dhambaal Tacsi ah uga dirayaa Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland gaae ahaan Qoyskii, Qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxey Marxuum Chief Caaqil Cavdi Ciidle Amaan oo maanta Lagu Aasey Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi, waxa uu halkan dhambaalka Tacsida ah ku Xusey in Marxuumka Chief Caaqil Cavdi Ciidle amaan oo kamid ah Duqeyda iyo

madaxdhaqameedka ugu cuslaa ee Gobolka Gabiley islamarkaana, kasoo Qeyb qaatey doorkii nabada ee Somaliland iyo Dhismaha Dalkaba, in ilaahay Naxariistii jano siiyo, kana Waraabiyo Janadii fardowsa dhamaan umada Reer Somaliland iyo dadweynaha Reer Gabiley ee uu Chief caaqilka u ahaa iyo Qaraabadiisii, eheladiisiina Samir iyo iimaan kasiiyo.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version