WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Iyo Maayirka Magaalada Baligubadle Oo Kormeer Ku Sameeyey Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Hawd

Hargaysa(Wajaale News):-Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali iyo Maayirka magaalada Baligubadle  Cabdi Iimaan Jaamac ayaa kormeer ku soo maray deegaano hoos yimaada gobolka Hawd, waxaanay sheegeen inay ku kuur-galayeen Xaaladaha kala duwan ee deegaanadaas.

Xubnaha  Waftigan waxa ay sheegeen inay deegaanadaas ay marayeen gaadh-siiyeen fariin ku aadan dhismaha Wadada isku xidhaysa Hargaysa iyo Baligubadle, taasoo ay sheegeen inay u baahan tahay iskaashi baaxadle, waxaanay sheegeen hawlkasta oo bulshado meel ku wada nooli iska kaashadaan
inay ku dambaynayso guul iyo horumar, isla markaana waxa ay bulshada gobolka Hawd u soo jeediyeen inay si buuxda iskaga kaashadaan Dhismaha Wadadaas.

Guddoomiyaha gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Cali waxa uu sheegay inay toddobadii bilood  ee u dambeeyey deegaanada hoos yimaada gobolka Hawd ay ku wacyi-gelinayeen sidii ay ugu kici lahaayeen dhismaha wadada isku xidhi doonta Hargaysa iyo Baligubadle.

Exit mobile version