daliishadey AAYADO IYO AXAADIIS.waxa uu sidoo kale sheegay qofkii ku darsada hal sentina ha ahaatee ay tahay SADAQATUL JAARIYA.
intaas ka dib waxa hadlo kooban ka soo jeediyey maayir magaalada cerigaabo ismaaciil x nuur faarax waxa uu salaan u diray madaxweynaha soomaaliland iyo shacabiga reer somaliland waxa uuna saadaal fiican ku timaamay dhismaha waddada ceerigaabo oo meel wanaagsan maraysa.waxa sidoo kale munaasabad farxadeedan ka hadlay badhsaabka Gobolka Sanaag axmed muxumud geele(dacar) waxa uu hambalyo u diray madaxweynaha soomaaliland iyo dhamaan umada reer soomaaliland meel kasta oo ay ka joogaan dunida.
Gudoomiye geele dacar waxa uu hoota ka calaamadiyey in uu madaxweyne siilaanyo ku guulaytey dhismaha waddada isku xidhi-doonta ceergaabo iyo magaalada burco ,waxa uuna ku soo dhoweeyey waasiirka wasaarada madaxtooyada xirsi xaaji cali xasan ahna gudoomiyaha gudida wadooyinka ee jamhuurida somaaliland waxa uu wasiir xirsi sheegay in Gobolka aanay u iman hab kaambeyn ee ay u yimaadeen dhismaha iyo wax ka qabadka waddada ceerigaabo ,waxa uu siweyn ugu dheeraaday in gamcaha laysqabsado oo aan loo kala hadhin ganacto iyo xoolo dhaqatoba iyo dhamaan shacab weynaha reer Sanaag oo ay ka faa?iidaystaan fursadan dahabiga ah waxa uu sidoo kale hadalo wadaninimo u soo jeediyey dadweynihii ku tukanayey garoonka .
si kas taba ah haatee maaha markii ugu horeysay ee uu wasiir xirsi uu yimaado magaalda ceerigaabo waxana hubaal ah oo aan shaki ku jirin in uu arimaha uu u yimid ee xagga waddada uu guulo wax ku ool ah ka gaadhi doono .