WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Wasiiro Cusub U Soo Diraysa Xariirad Oo Xiisadeedii Wali Cakiran Tahay.

Xariirad(Wajaale News)Xiisadan ayaa waxa cirka isku sii shareertay markii ay qaar ka mid odayaasha gandaha beesha reer Ugaad-Ciise ee wada hadalada halkaasi u joogay ay ka baxeen shirkaasi dhawaan, isla markaana ay xukuumada ku eedeeyeen inay iyadu masuul ka tahay

Wafdigii golaha guurtida ka socday ee degmada Xariirad ee gobalka Awdal u tagay qaboojinta xiisada degaanka ka aloosnayd ee u dhaxaysay beelaha reer Ugaad Ciise iyo Reer Dudub Gadabuursi ayaa wali ku sugan degaankaas isla markaana aanay wax la taaban karo oo muuqdaa u qabsoomin.

Roman´; mso-bidi-font-family: Tahoma; mso-ansi-language: EN-GB”>Wafdigan ayaa waxa ay filayaan inay dhawaan soo gaadhaan xubno kale oo golaha wasiirada ka tirsan kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir ku xigeenka cadaalada Nuur Cismaan Guuleed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Bare Garaad, kuwaas oo ay xukuumadu u soo igman doonto inay dardar galiyaan sidii nabada loo sugu lahaa isla markaana heshiis loo soo kala dhex dhigi lahaa beelahaas.

Xiisadan ayaa waxa cirka isku sii shareertay markii ay qaar ka mid odayaasha gandaha beesha reer Ugaad-Ciise ee wada hadalada halkaasi u joogay ay ka baxeen shirkaasi dhawaan, isla markaana ay xukuumada ku eedeeyeen inay iyadu masuul ka tahay burburka wada hadaladan.

Dhinaca kale beesha Reer Dudub-Gadabuursi ayaa dhankeeda ka muujinaysa inaanan lagu kalsoonaan Karin ergonimada golaha guurtida, waxana suura gal ah in maalmahan u dameeyay ay xildhibaanada Guurtidu wadaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida beeshan, isla markaana dhinaca kale waxa y ka wdaan dedaal la doonayo in lagu soo celiyo ergada gandaha beesha reer Ugaad-Ciise ee shirka hore uga baxday.

Safarkan Wasiirada ayaa waxa kale oo uu ku soo beegmayaa waqti uu Gudoomiyaha gudada Guurtida ah ee Xariirad ku sugan Xil. Cawil ay la soo daristay xaalad caafimaad, isla markaan waqti habeenimo ah loola cararay dhinaca caasimada Hargaysa.

 

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

Exit mobile version