WAJAALE NEWS

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho, Kana Degay Garoonka Diyaaradaha iyo Kolanyadii Shalay Galbisay Oo Mar Kale Weerar La Kulantay Warbixin

Muqdisho (Wajaale News) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho oo shalay uga amba-baxay Dhinaca Magaalo Madaxda Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo oo intii ay shalay jidka ku sii jireen, kuna sii jeedeen Magaaladda Marka ay jidgooyo u galeen kooxo ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu maanta soo raacay diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ah.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa salka ku haysey sidii ugu qayb geli lahaa munaasabad loo qabtay heshiis ay laba beelood wada gaareen iyo weliba sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda degmada Marka.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaaladda Afgooye ayaa sheegaya in Gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee shalay geeyay madaxweynaha Soomaaliya degmada Marko oo soo maray jidka isku xidha magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa la sheegayaa in qarax miino lagula beegsaday meel ku dhow degmada Afgooye.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ayaa haddana wararku waxay sheegayaan inay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka soo gaaray.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday dalka Sweden, isagoo xusay in dowladda Sweden ay mar walba garab taagnayd Soomaaliya.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version