WAJAALE NEWS

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka, Wax Lala Yaabona Ku Tilmaamay Mudaharaad Ay Wada Jir Ugu Baaqeen UCID Iyo Wadani

Hargeysa (WJN) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ku hambalyeeyay Ansixinta Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka oo ay shalay cod ku meel mariyeen.

Waxa uu sheegay in ay amaan balaadhan mudan yihiin mudaneyaashii codkooda siiyay xeerkaasi.

Sidoo kale waxa uu ayaan daro ku tilmaamay in xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani ay ku baaqaan mudaharaad iyadda oo ay shacabka reer Somaliland dhago jalaqsan ka waayay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta ugu waramayay Xafiiskiisa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan

Marka hore waxa aan halkan uga mahad celinayaa oo aan ugu mahad-naqayaa magaca dawladda Xildhibaanadii Golaha Wakiiladda ee Sida Sharafka Leh codkooda ugu muujiyay sida ay raali uga yihiin, wax qabad kasta iyo isku day kasta oo dan u ah bulshadda iyo shacabka reer Somaliland ee ay codkii ay wakiilka kaga ahaayeen shacabkooda ku taageereen.

In uu xeerkii takaaliifta horumarinta wadooyinku dhaqangal uu noqdo, aad baan ugu hambalyaynayaa Xildhibaanaddaa waxa aan ku dhiirigelinayaa in ay halkaas ka wadaan oo ay noqdaan dad dareen u leh waxa cusub iyo waxa korodhsiimadda u leh waxa dadkeena iyo dalkeena u taraya? ayuu yidhi.

Waxa uu shacabka reer Somaliland ku amaanay nabad galyo jacaylka, waxaanu yidhi ?Waxa aan shacabka reer somaliland ku amaanayaa waxa qudha ee ay dadkeenu ku fanaanaan 22-ka sano oo ah nabadgalyo jacaylka iyo ilaalinta qaranimadda Somaliland? ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo dabo socday Mudaharaad ay dalbadeen xisbiyadda mucaaradka ahi waxa uu yidhi ?Way jiraan xubno aan maqlayay oo warbaahinta qaybaheeda kala duwan islticmaalay oo ku dhawaaqayay shacabkoow isu soo baxa oo mudaharaada, oo halkee ku mudaharaada, golaha wakiiladda ku mudaharaada.

Waliba waxa ku jiray xisbiga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, anigu ma garanayo halkii ay ku mudaharaadi lahaayeen, ma Guddoomiyaha Golaha wakiiladda oo hadana ah guddoomiyaha Wadani ayay ku mudaharaadi lahaayeen.

Anigu waan la yara yaabanaa, laakiin shacabkeenu waa shacab bisil, laakiin maaha sida ay rag waaweyn oo siyaasiyiin sheegtaa ay lahaayeen in shacabkeenu ay yihiin kuwo beena loo sheegi karo oo lagu soo kicin karo, runa lagu fadhiisin karo, maaha sidaas.

Maaha runtii sidaas, laakiin shacabku waa kaa aad ku tidhi soo baxa, laakiin sabab ay u soo baxaan aanay jirin, shacabku waa kaas gartay in maalintaasi nabadgalyadda ay ilaashadaan oo aanu dhex boodin inan yar oo ciyaala suuq ah iyo mid kale oo dano nabad-galyo darro leh wadaa, sabab ay u mudaharaadayaan iyada oo aanay jirin?

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlayay talaabooyinka uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweysanayo Mucaaradka waxa uu yidhi ?Madaxweyne Siilaanyo ixtiraamka uu hayo mucaaradka waad og tihiin, waxaanu u sameeyay wax aanay xukuumadihii ka horeeyay oo dhami samaynin, waxaanu sameeyay in mar kasta oo wada hadalo lala galayo dawladda Somalia, hadii ururo la furayo iyo hadii siyaasadda arrimaha dibadda wax laga bedelayoba iyaga oo waftiyo ah inta uu madaxtooyada isugu yeedho talo weydiiyo, markhaati baad idinkuna (Warbaahinta) iiga tihiin in uu mar kasta dhaqankaas wanaagsan kula dhaqmo.

Waxa aad ogtihiin in mar kasta baarlamaanka iyo xukuumaddu ay muransanaan jireen oo ay iska soo horjeedi jireen taasina ay dib u dhac ku keeni jirtay oo ay ahaan jirtay xukuumadda oo barlamaanka iska celinaysa iyo baarlamaanka oo halkiisa sutida u qaban jirtay? ayuu yidhi

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version