Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey wasaarada warfaafinta.
Dhismahan lagu soo kordhiyey wasaarada warfaafinta ayaa hoos iman doonta waaxda kaydinta ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland.
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlay dhagax dhiga qaybtan cusub ee hoos iman doonta waaxda kaydinta wasaarada ayaa waxa uu sheegay
in dhismahan loo adeegsan doono kaydinta qoraalada wasaarada, waxaanu sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doono dhismayaal kale oo lagu soo kordhin doono wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland iyo hool weyn oo qaadi doono 500 qof kaas oo u shaqayn doona habka tiyaatarka oo kale, kaas oo loogu tala galay inay xukuumadu ku qabsan doonto wakhtiga maalinimada iyada oo fanaaniinta qarankana uu u noqon doono masrixiyad ay ku soo bandhigaan fankooda.
Munaasibadan lagu dhagax dhigayey dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyey wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa waxa kale oo ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdirashiid Jibriil Yuusuf isaga oo dhinaciisa soo dhaweeyey dhismaha cusub ee maanta la dhagax dhigay, waxa kale oo munaasibadan goob joog ka ahaa dhamaanba agaasime waaxeedyada wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland