Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada gaashaan dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa maanta golaha wakiilada warbixin ka siiyey xilka ay wasaaradiisu qaranka u hayso.
Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax isla markaana wasiirka wasaarada gaashaandhiga uu golaha ku wehelinayey wasiir ku xigeenka wasaaradaasi.
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa mudanayasha golaha wakiilada ka hor jeediyey warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha waxyaalaha u hir galay mudadii uu hayey xilka wasaarada gaashaandhiga, isaga oo ka war bixiyey kuliyada tababarka ciidanka ee laga hir gelinayo deegaanka Darar Wayne taas oo la xidhiidha tababarka ciidamada kala duwan ee Somaliland isaga oo sheegay inay ka qayb qaadan doonto kor u qaadka aqoonta ciidamada Somaliland, isaga oo dhinaca kalana ka war bixiyey darajooyinkii kala duwanaa ee ciidamada Somaliland lagu taxay.
Ugu horayn wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlaya dugsiga tababarka ciidamada ee laga hir gelinayo deegaanka Darar Wayne ayaa waxa uu yidhi ?iyada oo laga duulayo in milatarigu aqoon yeesho oo difaaca qarankuna u baahan yahay aqoon badan, aqoontuna maaha hadii aad ka waydo wadamada shisheeye inaad fadhiisato, waxaanu samaynay dugsi tababar oo laga hir gelinayo deegaanka Darar Wayne oo qalabayntiisii iyo meelihii saraakiisha u hoyan lahaayeen laga samaynayo si aanay ugu noqon guryahoodii oo ay tababarka u qaataan, kaas oo aanu filayno inuu wax badan ka tari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ciidamada Somaliland.? Ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland.
Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu ka hadlay darajooyinka la gudoonsiiyey ciidamada kala duwan ee Somaliland isaga oo sheegay inay qayb ka tahay waxqabadyada xukuumada ee hir galay.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka jawaabay su,aalo kala duwan la xidhiidha hawlaha qaranka ay wasaaradiisu u hayso kuwaas oo ay waydiiyeen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland