nabaduna waxa ay tahay mida keliya ee horumarka dalka horumarka ku gaadhno, idinkuna waxa aad tihiin odayadii dalkan seeska u dhigay?
Hargeysa (WJN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa saaka hor yimid golaha Guurtida Somaliland.
Fadhiga Saaka ee Golaha Guurtida oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golahaasi, ayaa waxa uu Wasiirku mudaneyaasha siiyay warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda guud ee Wasaaradiisa iyo halka ay ku dambeeyeen wadahadaladii labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia.
Waxaana hadalkiisa uu ku bilaabay sidan Sida aad la socotaan Wasaaradda waxa aan jooogay muddo laba bilood ah, waxaana I magacaabay Madaxweynaha Somaliland in aan ka shaqeeyo sidii ay xidhiidhka arrimaha dibadda iyo waliba horumarka dalka aan uga shaqayn lahaa, waanan aqbalay.
Waxa aan aad ugu mahad celinayaa Wasiiradii iga horeeyay rag iyo dumar intii iiga horeysay wasaaraddan, waanan u mahad celinayaa meelihii ay soo gaadhsiiyeen.
Wasaaradda Arrimaha dibadaba Somaliland sida aad ula socotaan ama iigu muuqato waa muraayadii dalkan, aniguna sida aad la socotaan 40 sano oo dhawdhaw waxa aan la shaqayay hay?addaha caalamiga ah, khibradayduna halkaas bay u badan tahay.
Waxa aan u arkaa in ay tahay wajigii la inaga arkayay hawsha inoo taala ee loo baahan yahay in aynu iska wada kaashanaa waa mid badan, ilaahay ayaa mahad leh, marka labaadna idinka ayaan idiin mahad celinayaa, nabaduna waxa ay tahay mida keliya ee horumarka dalka horumarka ku gaadhno, idinkuna waxa aad tihiin odayadii dalkan seeska u dhigay? ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Mar uu ka hadlayay Wada Hadaladda Labadda Wadan ee Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay in aanay waxba ka bedeli doonin Rabitaanka Shacabka Reer Somaliland oo ah sidii ay umadda reer Somaliland gaarkeeda isugu taagi lahayd, waxaanu yidhi ?Runtii dalka turkiga oo walaaladeen ah, wadan muslim ahna ayaa ina dhexdhexaadinaya dalka Somalia, walaaladeen reer muqdisho waxa ay mar walba leeyihiin wada hadaladii si fiican ayay u socdaan, waanan ku soo dabaalaynaa walaaladeen, waxa aan leeyahay arrinta Somaliland waa mid muqadas ah, waana rabitaanka Somaliland in ay gaarkooda u taagnaadaan.
Taas wax aanu leenahay yaan umadda war khaldan loo sheegin, waxaana laga yaabaa in bisha soo socota ay wada hadalada qaybteedii kale bilaabmaan.
Wada hadaladan dambe waxa lagaga wada hadlayaa qodobo door ah, waxanaan rajaynaynaa in ay noqdaan kuwii laba wadan oo walaalo ah ay ku wada noqon lahaayeen oo isku barbar nool anaguna aanu dawladnimadaya ula soo noqon lahayn? ayuu yidhi.
WAJAALE NEWS OFFICE HARGEISA
CONTACT US : wajalenews@gmail.com