Wasaaradda oo dabo socotay War maanta lagu baahiyay Wargeyska Hubaal ayaa waxa ay ku sheegeen in aanu ahayn mid sal iyo raad toona leh.
Sidaasna waxa warbaahinta maanta xafiiskiisa ku siiyay Agaasimaha Waaxda dhirta iyo daaqa ee Wasaaradaasi Maxamuud Guri Barwaaqo, ayaa
sheegay in warkaasu aanu ahayn mid sal iyo raad toona leh.
Mr. Guri Barwaaqo waxa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Deegaanka Somaliland aanay si qarsoodi ah iyo si toos ah toona u siinin ganacsato carbeed dhoofinta iyo Ugaadhsiga Shimbiraha iyo ugaadh kale.
Waxa uu xusay in Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ay wareegto ka soo saartay adkaynta iyo waliba ilaalinta Duurjoogta Somaliland ku dhaqan.
Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com