WAJAALE NEWS

Waftigii Somaliland Ee Wadanka Ethiopia U Tagay Hakadka Ku Yimid Diyaarada Ethiopian Airline Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Safaarada Ingiriiska Ku Leeyahay Addis Ababa Iyo Madaxda Shirkada Ethiopian Airline.

Hargeysa(Wajaale News):-Weftigii wasiirada ahaa ee Xukumadda Somaliland u dirtay xallinta hakadka ku yimid duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airline ayaa kulan la yeeshay safiir ku xigeeenka safiirka  ingiriiska  ee magaalada Addis Ababa Mr Chris Allen.

Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Dalka Itoobiya, ayaa la

sheegay in ay labada dhinac kaga wada hadleen  sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan iyo wada shaqaynta ka dhexaysa, waxaanay sidoo kale ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa arrimaha horumarinta.

Weftigan Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade oo uu wehelinayo Wasirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cbdi, ayaa waxa ay sidoo kale Magaalada Addis Ababa kula kulmeen Masuuliyiinta shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiyaan Eirline, waxaanay kulankaasi kaga wada hadleen hakadka ku yimid duulimaadyadii Somaliland.
Wasiirada Somaliland IYo Masuuliyiinta Diyaarada Ethiopian Airline

Kulankan ay yeesheen Somaliland iyo Itoobiyan Eirline, ayaa waxa la iskula afgartay in wada xaajood ay ka yeeshaan arrintaasi, waxaanay kulan kale u ballameen labada dhinac maanta oo ay dib iskugu noqon doonaan, waxaana la filayaa inay kulankan maanta ka soo wada saari doonaan war-saxaafadeed ay u dhan yihiin iyo heshiis ay wada gaadheen.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version