WAJAALE NEWS

Ninkan ayaa sheegay in uu isagu asal ahaan ka soo jeedo dadkii hore ee Masaarida ahaa, ee Faraaciinta loo yaqaanay, kuwaas oo qofku marka uu dhinto dhamaan hantidiisa la wada aasi jiray

wajaaSao-Polo, (Wajaale News):- Nin u dhashay dalka Brazil ee koonfurta Amerika ku yaala ayaa ku kacay dhacdo dunida oo dhan ka wada yaabisay, ninkan oo 62-jir ah laguna magacaabo, Chiquinho Scarpa, ayaa sida ay ku warantay shabakada oddity central, waxa uu aaminsan yahay diin dadkii hore ee Faraaciintii Masar rumaysnaayeen oo qofka hantidiisa lala aasi jiray.

Ninkan oo warkiisa markii hore ku baahiyay bogiisa facebook- ayaa sheegay in uu jeclaystay in gaadhigiisa oo ah, Bentley Continental, kaas oo qiimihiisu joogo shan boqol oo kun oo dollarka Maraykanka ah, uu ku aastay

Halkan K a Daawo

http://youtu.be/MJlcU_dJ8hU

 


beer ku taal gurigiisa si marka uu dhinto hadduu u baahdo wax uu kaxaysto uu isaga hore uga sii qaato.

Ninkan ayaa sheegay in uu isagu asal ahaan ka soo jeedo dadkii hore ee Masaarida ahaa, ee Faraaciinta loo yaqaanay, kuwaas oo qofku marka uu dhinto dhamaan hantidiisa la wada aasi jiray, ilaa walina laga helo xabaalahoodi waxyaabo qaali ah iyo kuwo taariikhi ah, waxaanu ninkani sheegay in uu qaraarkan qaatay, mar uu dhawaan daawaday Barnaamij Documentary ah oo ka sheekaynaya habkii dadkaasi isku aasi jireen.

Chinquinho Scarpa, ayaa isagu laba jeer dirqi kaga badbaaday geeri, waxaana ugu darnaa mar uu ku dhacay xanuun bagteeriyo halis ahi sababto taas oo uu dirqi kaga bogsaday, wakhtigan uu cabsi ka qabo inuu deg deg u dhiman karo.

Markii muuqaaladan iyo warka ninkaas ee inuu sii aastay gaadhi uu aakhiro ku wato oo shan boqol oo kun oo dollar ah ay dadka reer Baraasiil maqleen ayay canaan iyo eedayn tiro badan la boobeen, waxaanay badankoodu ku tilmaameen xaasi

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Wariye HABANE

http://youtu.be/MJlcU_dJ8hU

Exit mobile version