Hargeysa(Wajaale News):- Mayorka Magaaladda Baligubadle Ee Xarunta Gobolka Hawd Cabdi Iimaan Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay mid ka mid ah Mareegaha ka hawl gala Somaliland, kaas oo sheegayay in uu musuq maasuq ku kacay Golaha deegaanka ee Baligubadle
Waxa uu hadlay mashaariic horu marineed oo ay ka wadaan degmada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd.
115%”>Maayarka degmada Balli-gubadle oo maanta la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay in mudadii ay joogeen ay wax qabad balaadhan ka sameeyeen xarunta gobolka Hawd isaga oo dhinaca kalana walaac ka muujiyey muranka dhinaca dhulka oo uu sheegay inay wakhti xaadirkan aad ugu badan tahay.
Ugu horayn maayarka magaalada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo ka hadlaya mashaariicda horu marineed ee ka socda degmada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd ayaa waxa uu yidhi ? mudadii aan hayey xilka maayarnimo ee magaalada Balli-gubadle waxyaalo baddan ayaa noo qabsoomay haddii ay tahay mashaariic aanu ka fulinay dhinaca dawlada dhexe kuwo aanu ka fulinay dhinaca dadweynaha iyo qaar ka fulay dawlada Hoose.
Guddoomiyaha Golahah Deegaanka Ahna Maayarka Degmada Balli-Gubadle Cabdi Iimaan Jaamac
Mashaariicda ka socota xarunta gobolka ee degmada Balli-gubadle waxa weeyaan xaruntii waxbarashada ee gobolka gacanta ayaanu ku haynaa oo wasaarada waxbarashada ayaa fulinaysa, wasaarada maaliyadu waxay fulinaysaa kastamkii oo haatan dhamaad ah,waxa kale oo jirta in hay?adda DDG aanu u dirnay codsi ku saabsan inay dhisaan jeelka magaalada kaas la bilaabi doono , waxa kale oo jirta in ganacsatada gobolka Hawd ay haatan wax nagala qabanayaan dhinaca horu marka iyada oo haatan ay dhiseen maxkamada, waxa kale oo jirta in ganacsato reer Wajaale ah aanu wax ka wada qabanayno dhinaca horu marka degmada iyada oo aanu haatan gacanta ku hayno dhawr mashruuc oo dhinaca horu marinta ah, waxa kale oo aanu dib dhis ku samaynay xarumo ay lahayd dawlada hoose kuwaas oo aanu ugu tala galnay inay galaan isu duwayaasha wasaarada ee gobolka, waxa kale oo aanu samayn inaanu rug cusub ka samaynay degmada Darfacle halkaas oo kootarabaanku mari jiray taas oo aanu ciidankiina gaynay.?
Maayarka degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac waxa kale oo uu sheegay in mudadii uu joogay aanu samayn wax musuq maasuq ah waxaanu yidhi ?wax musuq maasuqa oo aan sameeyey mudadii aan joogay ma jirto,maayar ahaana waan ogolay mucaaridada taas oo ah wax toosin markaa waxaan diyaar u ahay wax kasta oo wax toosinaya,musuq maasuq halkan ka jiraana ma jiro, dhaqaalaha haatan na soo galaa maaha mid aad u balaadhan waayo kabka dawlada dhexe ay na siiso iyo cashuurta aanu ka qaadno dadweynaha ayaaba noogu badan,warbaahintana waxaan kula talinayaa inay soo qoraan wixii jira oo kaliya,baabuurta dawlada Hoose maalina way shaqaysaa oo magaalada ayey xashiishka ka gurtaa maalina way fadhidaa oo wax hawl ah laguma qabto cid gaara oo loogu adeegaana ma jirto.? Ayuu yidhi maayar Cabdi Iimaan Jaamac
Sidoo kale maayarka degmada Balli-gubadle waxa uu sheegay in qaylo dhaantii ay ka soo direen shinbirihii ku daatay baraagaha ay ka cabaan dadka deegaanada degmadaasi aanay wax jawaab ah ka helin xukuumada waxaanu yidhi ?arintaas qaylo dhaan fara badan ayaanu ka samaynay anaga oo wasaarada xanaanada xoolaha iyo wasaarada deegaanka u dirnay cid nooga timidna ma jirto wax danbe oo jawaab ahna kamaanu helin, dadweynahana waxaanu kula talinay inaanay baraagahaas waxba ka cabin baraagahana laga sii daayo biyaha.? Ayuu yidhi Maayarka degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac.
?dhibaatada ugu badan ee haatan deegaanada degmada ka jirtaa waa is qabsi dhinaca beeraha taas oo mudooyinkii u danbeeyey aad noogu badnaa iyada oo dhinaca nabad galyadu ay wakhtigan aad u fiican tahay marka laga tago muranka dhinaca dhulka oo aad noogu badan.? Ayuu yidhi maayarka degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac.
Ugu danbayntiina maayarka degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac waxa uu sheegay inay xidhiidh fiican la leeyihiin maamulka kilalka shanaad ee dalka Ethiopia isaga oo xusay in wakhtigan ay si wada jira uga shaqeeyaan dhinaca nabad galyada iyo adeegyada kale ee Bulshada.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland