WAJAALE NEWS

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo la kulamay safiirka dalka Liberia ee Dubai

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo la kulamay safiirka dalka Liberia ee Dubai

 

Safiir Pancharia oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Dalka Hindiya ayaa lagu tilmaama

Iyadoo baryahan danbe madaxwayne ku xigeenku ku joogay hawlo shaqo dalka imaaraadka carabta gaar ahaan Dubai oo u la kulamayay masuuliyeen kala duwan oo ka soo jeeda dalalka aduunka, ayaan waxa uu la kulmay dhawaan isagoo u weheliyo Mr Hussein alishaqi ahna madaxa sanduuqa horumarinta mashaaricda Africa, safiirka Dalka Liberia u matala imaaraadka carabta oo la yidhaahdo Arun Pancharia.

Safiir Pancharia oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Dalka Hindiya ayaa lagu tilmaama inuu yahay dadka u taajirsan dalka Hindiya iyo Dubai, isagoo leh bangi u gaar ah, shirkado shidaal, iyo sidoo kale shirkado waawayn oo ah kuwa macdanta baadha ee dalalka Australia iyo Indonesia.

Safiirku waxa sidoo kale la taliye siyaasadeed u yahay, oo u dheer shaqadiisan danjiranimada Liberia uu u fadhiyo Dubai, 8 madaxwayne oo ka soo jeedaa qaarada Africa iyo dalaka Malaysia iyo Serbia.

Madaxwynaha ku xigeenka Somaliland ayaa kulankiisii u la yeeshay safiirka Aarun Pancharia kala hadlay arimo badan oo siyaasadeed hormood ay ka yihiin xidhiidh Liberia la yeelato Somaliland iyo sidoo kale aqoonsiga Somaliland ka rajaynayso aduunka gaar ahaan qaarada Africa.

 

 

 

Wajaale News Desk

 

Hargeisa Office

Exit mobile version