WAJAALE NEWS

Maamulka Puntland Oo Deegaanadiisa Ka Xayiray TV-ga Universal Oo Ay Sheegeen In Uu Baahin Waayey Khudbad Uu Jeediyey Madaxwayne Faroole.

Garoowe(Wajaale News)-Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka war-faafinta, is-gaadhsiinta, hiddaha iyo dhaqanka ee maamul goboleedka Puntland, Axmed Sheekh Jaamac, kuna taariikheysan maanta oo Sabti ah, ayaa shaqada ka  joojiyey xafiiska TV-ga Universal ee deegaannada Puntland.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka oo lagu socodsiiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, maamulka TV-ga Universal iyo hay’adaha amniga, ayaa lagu sheegay sababaha shaqada xafiiska Universal TV ee Puntland loo hakiyey.
Sababta koowaad ayaa la sheegay inay tahay in Universal TV uu si badheedh ah u diidey baahinta khudbaddii uu jeediyey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole), intii uu socdey shirkii New Deal ee kus oo gaba gaboobey Brussles.
Sidoo kale waxaa wareegtada kasoo baxday xafiiska wasiirka war-faafinta Puntland lagu sheegay, in maamulka Universal TV ay dhaqaale ka qaateen madaxtooyada Muqdisho, taas oo ay si hoose arrintan ugu heshiiyeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Universal TV oo horay arrintan uga hadlay ayaa ku tilmaamay inay ahayd mid ku timid cillad dhanka farsamada ah, haseyeeshee aysan ahayn mid loola jeedey in cid gaar ah lagu xumeeyo.

Oktoobar 30, 2011 ayuu maamulka Puntland sidan oo kale Universal TV uga mamnuucay in uu ka shaqeeyo deegaanada uu ka arrimiyo, kaddib markii la sheegay in uu baahiyey warar ammaanka liddi ku ah, inkasta oo markii dambe dib loo fasaxay.

Shaqo joojinta lagu sameeyey xafiiska Universal TV ee Puntland, waxay kusoo aadeysaa xilli dhowaan amar kasoo baxay xafiiska war-faafinta si kumeel gaadh ah shaqada loogaga joojiyey Telefishinka Qaranka somaliya, balse labo toddobaad kaddib ayaa loo oggolaaday in uu shaqadiisa sii wadan karo,si kastaba ha ahaatee warbaahinta ka hawl gash deegaanada hoos yimaada maamulkaasi ayaa dhibaato iyo cabudhin ka sheegta maamulka ay ku hoos noolyihiin.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Exit mobile version