WAJAALE NEWS

Maamulaha Shirkadda Dahabashiil Ee Koonfurta Somalia C/raxman Cali Xaji Xasan Oo Si Cad U Beeniyey WararLlagu Baahiyey Warbaahinta Qaar Oo Sheegaya In Lagu Xidhay Muqdisho

Muqdisho(Wajaaale News)-Maamulaha oo ay Shebekedda Caalamiga ah ee hadhwanaagnews khadka telefoonka kula xidhiidhay isago ku sugan magaalada Muqdisho ayaa arrintaasi si cad u beeniyey , waxaanu daqiiqado kadib qoraalo beenin ah ku baahiyey warbaahinta online ka ah kaasoo Nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiisayey Hadhwanaagnews xafiiskeeda Burco waxanu u dhignaa Sidan:

Anigoo   ah  C/raxman  Cali   X. Xasan   waxaan  halkan  idiinku   caddaynayaa  inuu  been  yahay   warka  sheegaya  in  la  i  xidhay   ,  warkaasi  waa    mid   la  hal  abuuray  oo  runta  ka  fog   warbaahintuna  ay  ku  degdegtay,  waayo  waxay  awoodi  karayeen

in  ay  ila  soo  xidhiidhaan  ama  ehelka  ka  xaqiijiyaan , si  kastaba   ha  ka  ahaatee    taasi  may  dhicin.

Waxaan  ku  waaninayaa  dhalinta  warbaahinta  u  kacday  inay  ku  daydaan  raggii    uga  horreeyey  shaqada   ee  sharafkooda  iyo  ka dadka  iyo  dalkaba  dhawri  jiray   ee  magaca  iyo  milgaha  ku  lahaa

Sida : Ducaal ,  idiris ,  dalmar,Cabdi  X . Gobdoon , C/lahi  Xaaji,  C/risaaq  X  maxd  siraad, Cawke,  Axmed   Cali  Askar ,Yusuf  maxd Xayd ,Cagmadhige  ,  Terra, Ibrahim  maxd  xasan Daanduray  yabrow Xagar,  Siciid  Cali  muuse,  Axmed  Siciid  Cige ,C/nuur  Sh maxd  Isxaaq, Axmed  Cabdinuur,

iyo  rag  kale  oo  badan  oo  aanan  qoraal  ku  soo  koobi  karayn.   Kuwaas   oo   ummada  dhexdeeda   ku  leh  sumcad  iyo  qaddarin  weyn  oo  qof  waliba  fadhiga  uga  kaco.

Waxaan  kula   talinayaa  dhallinta  hadda  kacday  ee  warbaahinta  kala duwan  ka  hawlgala  in aanay run  iyo  been  wixii  ay  maqlaanba  qalinka  ku  boobin  ee  wax  iska   hubsadaan,

Qofka  waxaa  been  ugu  filan  inuu  wixii  uu  maqloba  sheego,    waayahan  danbe   waxaad  arkaysaa   qaar  beentaba   iyagu   allifaya  taas  oo  dhaxalsiisay   in  maanta   xitaa  haddii  uu  run  sheegayo   aan  laga  dheagaysan,

Waxaad  arkaysaa   qaar  haddii  lagu  yidhaahdo  Ri?  ayaa  halkan  magaalada  agteeda  qof  ku  cuntay  aan  iswaydiinayn suuragal ma  tahay  mise  maaha   oo  qoraya ama warbaahinta  kale  ka  sheegaya,

Waxaad  arkaysaa  rag caayaya oo   dadka  ummadda  acyaanta  ama   indhaha  u  ah sida  madaxda tujaarta,  culimada , iyo  qof kasta   oo  ahlu  sharaf  ah   iyagoo  baad  kaga  doonaya  taasi   maaha  weriyenimo  ee  waa     budhcad-warbaahineed  .

Waxaad  arkaysaa  qaar  qoraya  warar  sababi  karaya  isku  dhac  laba  beelood  oo  marka  horeba   arrimo  xasaasi  ahi  dhex  yiilleen  oo  khasaare  aad  u  weyni   ka  iman  karayo,  markaa  ha  ogaadeen in  haddii  dhimasho ama  dhaawac  iyo  khasaare  kale  ka  dhashaan  in  uu danbigaas  isagu  qabo .

Waxaan  kula  talinayaa  dhammaan  da?yarta  soo  kacaysa ee  warbaahinta  sallaankeeda qabsatay  in  aanay  ku  ababin  been,  xasad,  qabyaalad, iskudir   Iwm.

Dhaliishan dhalinyaradu  ma  wada  laha   ee  qaar  badan  oo  ragga aan  xagga  sare  ku  xusay  la  qiimo  ah  baa  ku  jira ,weedhayduna   kuma  socoto,   ee  waxaan  la  hadlayaa  ragga canbaarta  leh,  ee   sida  khaldan  u isticmaalaya  shaqadan  culus   ee  masuuliyadda  u baahan.

Wajaale News
Hargeysa Office
Wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version