WAJAALE NEWS

Idaacadii Waynayd Ee Radio Hargeysa Oo Hawada Ka Maqan Maalintii Sadexaad

Hargeysa (Wajaale News) waxa hawada ka maqan maalintii saddexaad  idaacadii waynayd ee radio hargeysa iyadoo baryahanba hawada ka maqnayd balse ay qarinayeen masuuliyiinta wasaaradda warfaafintu cilad wayn ayaa ku timi idaacadda waxaanay hawada ka maqantahay maalintii saddexaas idaacadan oo ahayd tii madaxwayne siilanayo xadhiga ka jaray islamarkaana uu ku darsaday waxqabadkiisa ayaa maalmahanba hawada ka maqnayd ilaa hadana la garan la’yahay xalinta ciladeeda sida ay sheegeen ila wareedyo ka agdhaw wasaaradda warfaafintu

waxa hada shaqaynaysa qaybta FM-TA ee hargeysa iyo nawaaxigeeda waxaase hawada ka maqan oo ciladaysan idaacadii waynayd e radio hargeysa ilaa hada ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta iadaacadda oo sheegaya halka ay ka ciladaysan tahay idaacadu

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version