WAJAALE NEWS

Hooyo Wiil Ay Sagaal Bilood Uurka Ku Siday Goor Habeenimo Ah Habar Dugaag U Loogtay

Hargeysa (Wajaale News) – Dhacdo Nooceedu aanu ugub ku ahayn Magaaladda Hargeysa ayaa xalay goor dambe oo cawaysinkii ah ka dhacday Xaafadda Goljano ee Degmadda 26-Ka June.
Wiil Yar oo qiyaastii laba bilood jiray iyo Masaasad lagu soo riday Bac Madoow ayaa la dhigay Kaabada guri Ku Yaala Xaafadda Goljano.
´Times New Roman´; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´”>Sida uu dhacdadan xanuunka Badan Bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku faafiyay Wariye Cabdi Almis oo ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland.

Wax yar ka dib ayaa laba dumar ah oo raacdo ugu jira sidii ay gacantooda ugu soo celin lahaayeen wiilkaas yar iyo mobile ay ku Iloobeen ay soo gaadheen sal dhiga Booliska ee Xaafadaasi, waxaana sheekadaasi ay u dhacday sidan bal dhugo.

qiso naxdin leh oo caawa ka dhacday xaafada goljano ee magaalada hargaysa. aniga wakhti ku beegnayd 10kii habeenimo saacada afrikada bari ka rawaxay shaqada ayaa markii aan gaadhay gurigayga oo ku yaala xaafada goljano waxaa xaasku iisheegtay in guri aanu jaar nahay oo noo jira ilaa toban talaabo hortiisa la soo dhigay ilmo yar oo bil wax kayar jiray oo lagu soo riday bacmadaw.

Waxaa la saaray kaabada guriga aanu jaarka nahay waxaa loo baneeyay qoorta si aanu ugu cabudhin bacdan madaw mid kamida wiilasha xaafada dagan oo ayaa arkay ilmahayar waxaa uu u yeedhay dumarkii xafadooda gabadh ka mida.

kadib waxaa bacdii laga soo saaray ilmihii yaraa iyo masaasad bacda kula jirtay jaarkii oo dhan ayaa arintan isugu soo baxay.

Hadaba waxaa dhacday in cidii ilmaha yar meesha dhigtay ay kuilawday mobilka gacanta oo ilmaha agtiisa yaalay siday sheegeen jaarku arrintu waxay is badashay markii ay goobta yimaadeen laba dumara oo doonaya ilmaha yar ee kaabada la dhigay iyo mobilkaba kuwaasoo ku doodayay in ilmaha yar ay waalid u yihiin oo dad cadhaysani halkan ku soo tureen.

Arintu waxay gaadhay in saldhiga la isla tago oo dumarkii jaarka iyo dumarkan ilmaha sheeganayaa, waxaa la isla tagay saldhiga dhexe ee hargaysa waraysi ay boolisku la yeesheen dumarka ilmaha ku doodayay inay waalid u yihiin iyo kuwa kaleba ayaa sida dumarka jaarku ii sheegeen waxaa dumarkii ilmahan yar ay garteen qaarkamida askarta waxaana dhacday in ilmihii yaraa iyo mobile kiiba la siiyo labadii dumar ahaa ee sheegtay in ilmahan yar ay waalid u yihiin.

Hadaba waxaan caawa kagami waayay ilmahan yar waxaan is waydiiyay in ilmahan yar in lagu soonoqdo aanay nasteex ahayn ee mobileka lagu ag iloobay fashiliyay cidii dhigtay ilmaha yar waxaan ka war warsanahay xaalada uu ilmihii yaraa ku suganyay wakhti xaadikan oo umuuqda in gacantoodii uu ku noqday cidii meesha ku soo tuurtay wxaa arintani warwar badan ku abuurtay dumarka jaarka aanu nahay oo dhan iyo gabadhii gurigeeda la soo hordhigay oo ilaa hada la yaaban dumarkan ilmaha yar boolisku siiyeen cida u soo sheegtay in halkan lagu soo tuuray.

waxaana caawa dad badan ay ka seexan waayeen ilmahan yar oo ahaa gabadh yar oo aan bil wada jirin ilaa hada ma jirto cid xaqiijinaysa in labadan dumar ahi ay ahayeen kuwii soo tuuray ilmaha balse waxaa mucjiso noqotay mobilekan lagu ag iloobay uu fashiliyay.

Wajaale News
Hargeysa Somaliland Office
Contect:Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version