WAJAALE NEWS

Gudoomiya Degmada Allaybaday Oo Koomo La Galay Dhaawac Maanta laSoo Gaadhsiiyay.

Gudoomiya Degmada Allaybaday Oo Koomo La Galay Dhaawac Maanta la Gaadhsiiyay.

 

gudoomiyaha ayaa xiligaa ka cuntaynayay huteel ku yaala allaybaday

Hargaysa (WJN)- wararka naga soo gaadhaya degmada allaybaday oo ka tirsan gobalka gabiley ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta weerar lagu soo qaaday gudoomiyaha degmada allaybaday Axmed Aw Ciise Muxumed xili uu ka cuntaynayay huteel ku yaala magaaladaa,
Gudoomiyaha ayaa waxaa soo gaadhay dhawac culus oo kaga dhacay garabka midig waxaana la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo kale oo ka soo gaadhay jidhka, waxaa gudoomiya soo weerarar nin magiciisa lagu soo gaabiyay c/qaadir carabloo oo kamid ah dadka ku nool deegaanka allaybaday wuxuuna gudoomiyaha uu la dhacay bakoorad nooca loo yaqaano raasta oo ah mid awood badan waxaana gudoomiyuhu uu galay koomo isagoo markii danbe ka soo baxay
Ninkan gudoomiyaha soo weeraray ayaa la sheegay in uu hiil u yahay nin ku xidhan xabsiga degmada allaybaday oo la yidhaa naasir aw yuusfuf oo u xidhay gudoomiyaha allaybaday shalay galinkii danbe.

Ninka falka gaystay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidan ka hawl gala magaalada gudaheeda Warka ayaa intaa ku daraya in ninka xidhay iyo gudoomiyuhu ay isku af dhaafeen cashuur dibbi oo uu la garab maray ninkaasi isagoo ka cashuuray deegan kale oo aan hoos iman allaybaday.

Waxaa isla maantaba loo dhaadhiciyay kii wax gaystay iyo kii xidhnaaba gobalka gabiley oo ay hoos tagto degmada allaybaday.

Exit mobile version