Boorama(Wajaale News)Sul. Abshir Muxumed Ducaale ayaa maanta mar kale la soo gaadhsiiyay deeq lacag ah oo dhan 950 doolar oo ka timid dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, taasi oo loogu talo galay inay qayb ka noqoto dhismaha jidka Turki.
Lacagtan ayaa waxa suldaanka gudoonsiiyay
Xil. Axmed Maxamed Cadoosh oo loo soo wakiishay lacagtaasi waxana uu xildhibaanku yidhi ?Lacagtan oo dhan 950 doolar waxa ay ka timid oo wakiil ka ahayd Sucaad Mustafe Cabdiraxmaan Qaadi, waxana markan ku wehelinaya oo wax ka soo bixiyay Cali Xuseen Xalane oo muwaadin Soomaaliyeed ah iyo Marwo Guduudo waxana ay lacagtan doo bixiyeen iyaga oo dareensan baahida loo qabo in jededka la dhiso waxna lagu bixiyo, waxana aan u mahadnaqayaa dhamaan dadka wax ka gaystay dhismaha jidkan Turki?
Xil. Rooble Siciid Xoosh oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahad naqay dadka deeqdan soo diray waxana uu ku tilmaamay wadadan mid faaiido balaadhan u yeelan doonta dadka degaanka oo furfuri doonta dhaqaalaha iyo isku socodka waxana uu ugu baaqay dadka kale ee qurbojooga ah inay ka qayb qaataan dhimaha jidkaasi TURKI
Sul. Abshir Maxamed Ducaale oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahad naqay Sucaad Mustafe Cabdiraxmaan Qaadi oo uu xusay inay iyadu ugu horayso lafdhabarna u tahay deeqaha ka imanaya qurbaha ee lagu dhisayo jidka TURKI, waxa kale oo uu mahad naqay dadka ka qaybqaatay dhismaha jidkan oo ay ugu dambeeyeen Cali iyo Guduudo, isaga oo eebe u baryay inuu ka abaal mariyo maalinta qiyaame, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay dadka kale ee qurbojooga ah inay ka soo qayb qaataan dhismaha jidka TURKI oo uu sheegay inuu meel fiican marayo.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland