WAJAALE NEWS

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Maleeshiyaad Khaatumo Ah Oo Xalay Weeraray Fadhiisinkooda Gambadhe

Gambadhe(Wajaale News) – Ciidamada qaranka Somaliland ee fadhiisinka ku leh aaga deegaanka Gambadhe ee Gobolka Sool, ayaa xalay dhirbaaxo xoog leh ku dhuftay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda la baxday Khaatumo oo weerar gaadmo ah ku qaaday fadhiisinkooda.
Wararka laga helayo aaga Gambadhe, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Khaatumo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada qaranka ee Gambadhe, balse ciidamada Qaranka oo heegan ku jiray ayaa la sheegay inay dhirbaaxo ku dhufteen kooxdaasi, iyadda oo la tilmaamay inay kooxdaasi soo gaadhay khasaare laxaadle, waxaana dadka deegaanku sheegeen inay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaadhay Maleeshiyaadka.

Warka ayaa intaa ku daraya inay jiraan dhaawaca shan ka mid ah Maleeshiyaadka, kuwaasi oo ay qaateen Maleeshiyaadka, kuwaasi oo ka yaacay halkii dagaalku ka dhacay.

Dhanka kale, ciidamada qaranka ee fadhiisimada ku leh duleedka Laascaanood, ayaa la sheegayaa inay saaka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo, iyadda oo la tilmaamayo inay gaadiidka dagaalka oo dhowr ahi ay u kolonyeysdeen dhanka Gambadhe.

 

Wajaale  News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version