Burco:(Wajaale News) Badhasabka Gobolka Togdheer oo xdhiga jaray Machad Noociisu ku Cusub yahay Gobolka Togdheer Oo Laga Hirgaliyay magalada Burco
Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi Xamarji ayaa manta xadhiga ka jaray Machad Cusub Oo loo bixiyey Machadka Kobcinta Xirfadaha Shaqo ee Dhalinyarada oo Laga Hirgaliyay magalada Burco.
Munaasibad Balladhan Oo loo sameyay Furitanka Machadkani ayay ka soo qaybgaleen Mamulka Gobolka Togdheer, Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka. Isuduwaha Wasarada Cafimadka ee gobolka, Isuduwaha Wasarada Xananada Xolaha, isu-duwaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada, gudomiyaha hay?adda Bishacas , Masuliyiinta Machadkani iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Waxa ugu Horeyn Xafladaasi ka hadlay Maamulaha Machadkasi Mr.Iid ismaciil Cabdi waxaanu sheegay inuu Machadkani aqoon dheraad ah siindoono ardayda jaamacadaha si ay u fahmaan ayuu yidhi qaababka kala duwan ee looga shaqeyo Haya?daha iyo Xafiisyada Dowladda.
Mr. Iid wauxu intaa ku daray inuu Machadkani ardayda Uu ku tababarayo xirfadaha shaqo si pratical ah casharada ay qadanayaan lagu siin doono si ay ula jaanqadaan Machadada kale ee caalamiga ah.
Gudomiyaha Hay?ada Bisha Cas Ee Gobolka Togdheer Cabdi Cawil Jamac iyo isuduwaha wasarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ismcil xayir, Oo iyana munasibadasi ka hadlay ayaa soo dhaweyay Machadkani waxaanay shegeen in loo baahnaa Machadkani in mar hore la furo iyagoo da´yarta ugu baaqay in laga faidaysto.
Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid oo isna halkaasi ka hadlay aya shegay inay wasarada waxbarashadu dugsigani maanta laga bilaabo u aqoon-satay inuu yahay dugsi lagu baran-doono Xirfadaha isla marska soo dhoweynayaan wasarad ahaan.
Badhasabka Gobolka Togdheer Axmed Cumer X.C/Laahi Xamarji Oo Xafladaasi soo xidhay ayaa isna dhinaciisa soo dhaweyay machadkani waxaanu Gudomiyuhu Tilmaamay inay Maamul ahaan ay la shaqayn-donaan machadka isla markaasna shaqalaha kale duwan Ee ka howlgala Gobalkuna ay ka faidaysan-donaan Xirfadaha lagu baran-doono machadka.
Machadka Kobcinta Xirfadaha Shaqo ee Dhalinyarada ayaa isagu ah Dugsi Noociisu ku Cusub yahay Gobolka Togdheer.
Wajaale News
Office Hargeysa/Somaliland