WAJAALE NEWS

Afhayeenka Shirka Beelaha Sacad Muuse Oo Gaashaanka Ku Dhuftey Qodobada Ajandaha Loo Soo Dhigay Shirkaasi Kuna Baaqey Shirweyne Beeshu Xor U Tahey

Hargeysa(Wajaale News)-Afhayeenka Shirka Beelaha Sacad Muuse kana mid ahaa Xubnihii  Qaadacdey habsami Usocodka Shirka Beesha Sacad Maxamed Cabdi Ismaaciil ,oo Ku Magac Dheer(digtoorka), ayaa markii u horeysay ugu baaqey Guud ahaanbaBeesha Sacad Muuse in ay u diyaar garoobeen Qabashada Shirweyne ay Xor uyihiin, kadib markii sida uu hadalkiisa u Dhigay Faragalin Balaadhan Lagu SameeyayShirka Lagu Qabanayo Degmada Agabar oo katirsan Gobolka Gabiley.

Maxamed Cabdi Ismaaciil(digtoorka),oo ah Afhayeenka  Shirka Beelaha SacadMuuse kana mid ah Xubnaha qaadacey ajandaha Shirkaasi loo Soo diyaariyay  iyo, nidaamka Loo Maamulayo Shirkaasi, oo Shabakada Wararka Hadhwnaagnews  Wareysi dheer siiyay ayaa ka hadley  sida loo Marin habaabiyay Ajnadaha Shirkaasi,iyo faragalinta Xukuumadu kuyeelatey, iyo Waliba Dhibaatada Beesha Sacad Muuseka haysata Dhinaca Hogaamiyayaasha Dhaqanka, isagoo ku baaqey Shirweyne ay Xoryihiin Bulshada ku abtirsata Magaca Beesha Sacad-Muuse aqoonyahan Waxgarad,Culimaa,udiin, Duqey iyo inta dhinaca Saxda ah ka taagan in Beeshu ka tashato, danaheeda iyo dhibaatooyinka Deegaan ee Beelaha ay oodwadaagta yihiin sida uu, hadalkiisa u Dhigay Isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu ku bilaabay hadalkiisa, sidan.

“Anagu Waxaanu ku baaqney Shir, ay yeelanayaan Reerka Sacad Muuse oo aan mudo qarni ku dhow ku kulmin shir, run, ahaantii waa Beel weyn oo kamid ah Beelaha Somaliland taasi hadii Siwanaagsan, loo macneeyo Somaliland waxa aasaas u ahaa oo ay Ku Saldhigtey Axdi-qarameedkii, Shirkii Boorame Axdi qarankuna waxa weeye axdi ay wada galaan  dad wax wada leh oo isku dal ahi Taariikhdunawey qori doontaaye Shirkaa Boorame ee Axdi qarankii ku magac baxey waana mid ay, Somaliland kaga Duwanaatey dalalka Geeska Afrika iyo kuwa kale ee afrikaanka, ah”Ayuu yidhi Digtoorku.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa.”Shirkani Wuxu ahaa mid ay Beeshu kaga tashaneyso danaheeda gaarka ah, deegaankeeda iyo arimaha kale Dowladuhuna had iyo jeer Shirarka noocan oo kaleah Xasaasiyad ay ka Qabeen tadakhulka ay yeelan karaana xad buu gaadhaa, iyadoo, Dowladanina ka xagjirto Shirkii Daalo ee Habaryoonis wey usuurtagali weydeyinay faragalin kuyeelato, Shirkii Dubur ee Beelaha Ciise Muuse faragalin ayaykuyeelatey laakiin looma Joojin faragalin toos ah oo lagu Sameyn jirey majirin, Shirarkaas anaguna maanaan fileyn inay tani dhaceyso, hadii la Isweydiiyo in, Reeraha kale ee Reer Somaliland Shiraan haseyeeshee, kaayagan ugu Wacan, Carqalada badan ee Dib ujiideysay Waxaana jira Odhaaho badan oo suuqa lagayidhaa oo ah Sacad-muuse ma tashankaro Sacad Muuse talo maleh , taasi majirtoee beelahaan lamid nahaye laakiin Waxaa aasaas u ah arin mushkilad ah oo Beesha, kajirta mar hadii ay Wasiiradii iyo Dowladii u banaanatey in ay Taandhooyinka, Geeyaan oo ay Kormeer ku sameeyaan ayaanu garaney in aanu aheyn Shirkani kii, aanu ugu baaqney Beesha ma, aha Ajandaha uyaalaana ma aha Sidaa daraadeed anaku, waanu ka maqanahey Shirkan dadkana waxaanu u sheegaynaa inaanu Shirkaasi danta, Sacad-muuse wadin kana jawaabeynin cida anaka na dhaleeceynaysaa hasoo dhigaan, wax macquula oo umada qanciya Ugaaska hada hadley Ugaas Ibraahim(jilbadhige),waa nin Wanaagsan ma dhaleeceyneyno anagu mooqifka uu imika yeeshay iyo, fikirkiisu waa ugaar weeye Xagayaguu ahaa Suldaanka Guud dhinacayaguu  ahaa hada Wuu tagayaa shirka waaney furayaan, Taasina waxey kuu cadeyneysaa Mushkilada Sacad-Muuse u shiri waayey in ay taheyhogaankii dhaqanka oo aan Dhisneyn, anagu labadayadii Gudi ismaanu haysan ee waxa is haystey Salaadiinta, Sacad-muuse oo dhinaca iyo Suldaanka Guud iyo Ugaaskan oo dhinac ah   anagu waxaanu aheyn Gudi qabanqaabo hadii laheshiiyo dhib uma aragno laakiin Waxaanaan marnaba qaadaneyn oo aanaan aqbaleyn, Ajandaha Shirkan loo soo dhigay oo Warbaahinta lagu Qorey oo aan Munaasibaheyn”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ismaaciil(digtoorka).

Isagoo hadalkiisa Sii Wata waxa uuintaa ku darey “Ajandaha Shirkan Loo Soo Dhigay Qolo Baaycmushtar ah oo, Beesha katirsan ayaa Soo Sameysay anigu war uma hayo in Xukuumadu la Sameyseyiyo inkale haseyeeshee, markii aanu anaku is aragney Qoladan Baayacmushtarka ah, waxaanu kunidhi ajandahan aan wax ka badelno laakiin waxa nalayidhi oo ay noogu,  jawaabeen Maya Maya Maya,Ajandaha Waxaa ku Qornaa Shirkani waa Duco iyo Dib uheshiisiin anagu garan mayno cida la heshiisiinayo Ducona waxaanu u naqaanaa,  Duco la Duceysto oo Shir ma Khuseyso ashkil markuu dhamaado waala duceystaa,  Siyaaro waanu naqaanaa oo Sacad Muuse ayaa la Siyaaranayaa waa gaar, waxaanunidhi marka la tago goobta Shirka malaga Doodi karaa ajandahan waxaa naloogujawaab celiyay waa la is xidh xidhayaa hadii aan ajandahan laga doodeyn Sacad,  Muusaa Shiri kariwaayey waxa ka Xun Sacad Muusaa intuu meeshii tagey ay, Booliskii la Duldhigey is diideen oo fadqalalo timid oo anagana Rabshadwadayaal nalagu wanjalo, waxyaalaha aadka loola yaaban yahey waxa kamid ah,  Shirka Qodobada hadaan faaqido wax Gudi ahi kama Soo bixi karto Shirkaasi, kamahadli kartaan Siyaasada taa waanu waafaqney, laakiin kama hadli kartaan arimaha, Dhulka aqbali mayno waa laga hadlayaa oo waxaanu damcasaneyn inaanu Qodaxdakaga gurno Mushkilada dhinaca Waqooyi Galbeed u dhexeysa Samaroon iyo Beelaha, Sacad Muuse oo heshiisiino iyadoo, aanay Xukuumadau waxba ka Qaban ayay SadexJeer Sheegay in uu wax ka Qabato waana nabar la Qarsanayo”Ayuu yidhiMaxamed Cabdi Ismaaciil(digtoorka).

“Anagu waxaanu Diidney waa, waxaa cad ee halkaa yaala laakiin qofka na dhaleeceynaya ee leh waxbay Diideen, hasoo dhigo badka hadii ajandahaa la badelo anigu baribaabantagayaaba,labadayadii Gudi ee Salaadiintu kala magacowdey midna ajandahan,  Shuqul kuma laha ee waxa Soo dhigay Ganacsatada iyaguunbaananu kala hadalney,Ganacsatadu waa niman Iska Shaqeysta oo daka Magac kuleh Ina Aw Siciid, dee,  horta waa niman dano leh Waa niman Dowladaha iskaga Xidhan waatan Wasiiraduqaadayaan Alaabtii ay Soo iibiyeen, laakiin halka fartu ku godan tahey ee aanu,  Sheegeynaa waa Xukuumada oo Shirkii Sacad Muuse faragalisey”Ayuu yidhi, Digtoorku.Lasoco Wareysigan Qeybta Labaad.

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

Exit mobile version