WAJAALE NEWS

180 Rakaabkii Diyaarada Itoobiyan Airline oo Saaka U Anba Baxay Magaalada Jigjiga Si Ay Halkaasi Ug Dhoofaan

Hargeysa (Wajaale News)- Abaaro lixdii subaxnimo ee saaka waxaa magaalada Hargeysa ka anba baxay 180 rakaabkii diyaarada Itoobiyaan Airline ee mudooyinkii ugu danbeeyey ku xanibnaa caasimada.

Rakaabka sugaayey baabuurta ayaa falkaasi ku tilmaamay mid aanay ugu dul qaadan doonin Somaliland iyo ciidanka amaanka.

Waxaa goobta saaka laga qaadayey

maatidaas ku sugnaa saraakiisha laanta socdaalka ee Somaliland, kuwaas oo qayb ka qaadanaayey safarka jig-jiga ay ku tagi lahaayeen dadkaas diyaarada Itoobiyaan Airline ku qornaa.

Hooyooyin aad u il daran oo saaka ku sugnaa xafiiska diyaaradaha ee Itoobiyan Airline oo wajaalenews ugu xog waramay ayaa sheegay in dhibka soo gaadhay uu masuul ka yahay wasiirka duulista iyo xukumada Somaliland ee uu gadh wadeenka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Masuuliyiinta diyaarada Itoobiyaan Airline ayaa magacayda dadka baaburta raacayey ee ka dhoofi doona Jig-jiga aroornimadii saaka mid mid u yeedhay rakaabka ku qoran duulimaadkooda, taas oo aan hore looga baran maamulka xafiiska.

Sidoo kale qaar ka mida rakaabka todobaadka danbe ku qoran diyaaradan Itoobiya ayaa saraakiisha laanta socdaalka kala hadlay qorshaha uga meel yeela ee lagu dhoofin doona rakaabka danbe, waxaanay u sheegeen in xal laga gaadhi doono arrinta diyaarada itoobiyan, isla markaana ay ka dhoofi doonaa madaarka Hargeysa, arrintaas oo aan si rasmiya hada loo hubin.

Rakaabka saaka raacay Basaska ayaa ayaa ka niyad jabsanaa habsanka ku yimi shaqooyinkii iyo waxbarashada ardaydii fasaxa u yimi dalkooda hooyo.

Ilaa hada si rasmiya looma og xiliga ay diyaarada Itoobiyaan Airline dib u bilaabi doonto duulimaadyadii caadiga ahaa.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version