WAJAALE NEWS

­­­­­­­ Laanta Socdaalka Somaliland Iyo Wasaarada Maaliyada Oo Khilaaf Xoogani Ku Soo Kala Dhex Galay Habka Cashuurta Looga Qaadayo Dadka U Kala Gudbaya Wadamada Somaliland Iyo Djabouti Warbixin

Hargeysa(Wajaale News):-laanta socdaalka Somaliland iyo wasaarada maaliyada ayaa  isku khilaafsan lacago kala duwan oo laga qaada dadka iskaga gudba xadka u dhaxeeya Somaliland iyo wadanka Djabouti.

Xafiiska cashuuraha ee ay wasaarada maaliyadu ku leedahay  magaalada Saylac gaar ahaan dhinaca xuduudka u dhaxeeya wadamada Somaliland iyo Djabouti ayaa la sheegay inuu cashuur dhan 20,000 shilinka Somaliland ah ka qaado dadka iskaga gudbaya xadka u dhaxeeya labadan wadan, balse laanta socdaalka Somaliland ayaa la sheegay inay isku

khilaafeen habka dadkan looga qaadanayo lacagtan.

Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ah ee ku sugan magaalada Saylac gaar ahaan xuduudka u dhaxeeya labada wadan ee  Somaliland iyo Djabouti oo saaka la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews kana cudur daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa ka waramay dhibaatooyin badan oo dadka iskaga gudbaya Somaliland iyo Djabouti kala kulmaan xadka isaga oo sheegay In lacagta laga qaado dadkaasi musuq maasuq balaadhani ka jiro.

Goob joogahani waxa uu sheegay in saaka uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay laanta socdaalka Somaliland iyo cashuur qaadanayasha wasaarada maaliyada ee ku sugan xuduudka waxaanu  tilmaamay in khilaafkoodu la xidhiidhay dadka laga qaadayo lacagta cashuurta ah isaga oo tilmaamay inay isku khilaafeen gabadh yar oo ay laanta socdaalku ku doodeen inaanay gaadhin wakhti laga qaado cashuur balse ay xubnaha cashuur qaadanayaasha ah ee wasaarada maaliyadu ku adkaysteen in cashuurta laga qaadanayo.

Goob joogahani waxa uu sheegay in badhasaabka gobolka Salal oo yimid xarunta cashuur qaadista ee ku taala xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo wadanka Djabouti uu taageeray dhinaca wasaarada maaliyada isaga oo laanta shaqaalaha laanta socdaalka ku amray in lacagta laga qaadayo xataa caruurta da?doodu yar tahay.

Ugu danbayntiina waxa uu goob joogahani sheegay inay dhibaato balaadhani ka taagan tahay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo wadanka Djabouti isaga oo sheegay inay la kulmaan dadka iskaga gudbaya labada wadanka.

 

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version