Hargeysa(HWN):-xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ee isku xilqaamay hawshii dhex dhexaadinta golaha wada tashiga iyo xukuumada ay wali hawshii sugayso.
Hargeysa(WJN):-xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xubnaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ee isku xilqaamay hawshii dhex dhexaadinta golaha wada tashiga iyo xukuumada ay wali hawshii sugayso.
Xildhbiaan Saleebaan Cali Koore waxa uu sheegay inay ka go,an tahay golahooda inay qaadaan talaabo kasta oo shacabka Somaliland ku gaadhi karaan himiladooda waxaanu ka war bixiyey kulamadii salaadiinta isaga oo tilmamay inay salaadiintii dhex dhexaadinta waday kala noqdeen laba garab waxaanu
ugu horayntiiba hadalkiisa ku bilaabay sidan ?
Qaabka ay umaddani ku higsan karto himiladeeda, waxaana naga go,an in si ay ku jirto anshax iyo asluub iyo wax wada lahaansho wax layskugu sheego oo hadyo jeer cunfiga iyo wax is daba marinta iyo erayada aan haboonayn ee ka baxa suuqa in la yareeyo.?
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka war hadlay salaadiintii dhex dhexaadinta ka dhex waday golahooda iyo dhinaca xukuumada waxaanu yidhi ? Anaga salaadiin isku dhan oo tiradoodu gaadhayso lixdan ayaa noo yeedhay kuwaas ayaanu wax meel wada dhignay oo aanu ka wada hadalnay maslaxadii umada iyo waxay dantu ku jirto, wax dhibi ma jirto, haddii ay salaadiintu guddi iska saareen guddidu meeshii ay ku war celin lahaayeen waa la yaqaanaa oo waa salaadintii kale, cid kasta oo isku dayday inay yarayso khilaafaadka iyo waxyaalaha laysku hayo ixtiraam ayaanu u haynaa, caqligayagu waxa uu na siinayey in salaadiintii aanu balanay iyaga oo isku dhan ay noo wada yeedhaan, salaadiintana ixtiraam ayaanu haynaa guud ahaan hawshiina wali way idiin taalaa ayaanu leenahay, madaxweynahana wax naga xidhayaa inaanu toos ula hadalno oo aanu wax ka wada hadalno ma jiraan, salaadiintii badnayd ee karaamada lahayd-na waxaanu leenahay wali hawshii way idiin taalaa.?
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore waxa uu fariin u diray xubnaha xukuumada isaga oo shegay inay wadanka ka wada dhaxeeyo umadda isla markaana laga wada tashan karo ?Qolada dawlada iyo xukuumada waxaanu leenahay dalka waynu wada leenahay oo waynu ka wada tashanaynaa wax dhibi ma jirto xumaan aanu wadnaana ma jirto fikirka aynu iskugu imanaynaa waa inaynu wax wada toosino guud ahaan talada aanu u jeednaa waa noocaas
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey kulan dhex maray xunbo ka mida golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo xubno kale waxaanu ydihi ?Nimankii ay shalay kulmeen rag anaga naga mid ah fikirku waxa uu ahaa in sadex maalmood ama afar maalmood oo Ciida wixii ka danbeeya laysku yimaado, sadexda maalmood ee cibaadadu badan tahayna lays dhaafiyo,
Meel shir jaraa,id laga qabto may oolin meesha, suldaankuna wuu ka awood weyn yahay qof shir jaraa,id qabta waayo waa shakhsigii la rabay inuu dhibaatadan yeesho awoodeeda oo uu wax badan qariyo haddii uu wax ogyahay saldanada macnaheeduna taas ayey ahayd, anaguna ixtiraam ayaanu u haynaa sulaadiinta cid ay albaabadayadu ka xidhan yihiin ma jirto?
Ugu danbayntii Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa fariin muhiim ah u diray guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo sheegay inaanay ka filin golahooda wax dalka wax yeelaya waxaanu yidhi ?Dadweynaha Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa oo aanu leenahay xumaan iyo isxagxagasho iyo kalmado gaf ah oo warbaahinta layska yidhaahdo ha naga filina idinkana idinka fili mayno , cid kasta oo dalka u naxaysana laga fili maayo waana wada hadal iyo wax toosin.?
WAJAALE NEWS/OFFICE
Hargeisa Somaliland
Contact Us