WAJAALE NEWS

Weftiyada Beelaha Koonfurta Iyo Bariga Sanaag Oo Hargeysa Kusoo fool leh Iyo Kala Qaybe Sanaan Ka Muuqata.

Weftiyada Beelaha Koonfurta Iyo Bariga Sanaag Oo Hargeysa Kusoo fool leh Iyo Kala Qaybe Sanaan Ka Muuqata.

Hargaysa:-(WJN) Weftiyadan ay kala hoggaaminayaan Garaad-C/laahi Maxamed Guuleed oo ah Garaadka Beelaha Naallaye Axmed iyo Suldaan-Siciid Suldaan-C/Salaan oo ah Suldaanka Beelaha Sanaag-bari ayaa si kala goonni goonni ah waxay maalmahanba ugu soo qulqulayeen magaalada Ceerigaao iyagoo kusii jeeda dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaasoo ay marti-qaadyo kala goonni-goonni ah ka heleen xukuumadda Somaliland.

 

Weftiga Naallaye Axmed ayaa la sheegayaain tiradoodu 40 xubnood gaadhayso kuwaasoo lafilayo subaxnimada Sabti (Maanta)

inay usoo ambabaxaan dhinaca Hargeysa.

?Xubnaha Naallaye Axmed waa afartaneey waana afarta beelood ee Ceerigaabo deggan waxayna u tegayaan casuumadda gogoshii madaxweynuhu u fidiyey berigii dhoweyd ee Fiqifuliye wasiirradii xukuumadda iyo beeshu la isugu yimid?. Sidaas waxa yidhi Badhasaab-kuxigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan. Isagoo badhasaab-kuxigeenku ka jawaabaya su?aal kusaabsan inay jirto kala qaybsanaan oo beeshu aanay u dhammayn arrintan wuxu yidhi ?Caaqil-Carab Ismaaciil tegi mayo laakiin inta kale oo waa dhan tahay

 

Dhinaca weftiga Sanaag-bari oo iyaga la sheegayo Sabtida ilaa Axadda inay Hargeysa soo ambabaxayaan ayaa tiradooda lagu sheegayaa soddoneeyo

 

Tiradu waa soddoneeyo waxayna u tegayaan casuumad madaxweynuhu u fidiyey?.  Sidaas waxa yidhi Siciid Maxamuud (Bidaar) oo ka mid ah Waayeelka weftiga uu hoggaaminayo Suldaanka Beelaha Sanaag-bari?. Isagoo ka jawaabaya su?aal kusaabsan in beelaha Warsangeli u dhammayn kuna kala qaybsan  yihiin arrintan wuxu yidhi ?Horta Warsangeli oo dhan lama kaxayn karo laakiin inta aan ogahay imminka Beesha Jibriil Siciid mooyee warsangeli intiisa kale cid walba cid baa ka maraysa meesha?.

 

Waxa xusid gaar ah mudan guud ahaan majiro mawqif ay ka midaysan yihiin beelahan Harti oo ku wada socdaan cid kastaana gudeheeda kala qaybsanaan arrimahan kusaabsan ayaa kasii jirta.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

CONT US : wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version