WAJAALE NEWS

Waxa nasiib daro ah Siyaasiyiinta Kulmiye kujirta gaar ahaan kuwa Sacad-muuse Siyaasiyiintoodii waxa iskaga qaldamey Reerkoodii iyo Xisbigoodii”Mujaahid Cali-Gurey

Hargeysa(WJN)-Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaaihd Cali Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa ka hadley arimo badan oo ku wajahan Xukuumada Madexweyne

 

Hargeysa(WJN)-Gudoomiyaha Sadexaadee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaaihd Cali Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa kahadley arimo badan oo ku wajahan Xukuumada Madexweyne Siilaanyo dhaliilaha loojeedinayo wakhrtigan iyo Waxqabadyada ay Sheegato Xukuumadu in ay qabteenmudadii ay Xilka hayeen Shirka Sacad-Muuse iyo Xisbiga Kulmiye iyo arimo kaleoo Badan.

Mujaahid Cali Gurey oo Wareysitafdheer, oo uu siiyay Shabakada Wararka Wajaalenews kaga hadley arimahaaswaxa kamid ahaa hadaladiisii.

“Waxaan leeyahey Xadiiska ayisku raacaan Bukhaari iyo Muslim waxa layidhaa Mutafaq

 


ka kale ee midi Sheeganawaxa layidhaa Saxeex markaa Dhaliisha Xukuumadan waxa isku raacey Mucaarifd iyoMuxaafid waana mutafaq markaa wey jiraan dhaliilahaasiye ee haka xanaaqina,esidoo Wax loo toosin lahaa ee aanu anaguna idiinla toosin laheyn Caqligeedakeena ,horta waa nasiib Daro Siyaasigu Waxeynu u sameysanay Xusbiyo Waxa nasiib daro ah Siyaasiyiinta Kulmiye kujirtagaar ahaan kuwa Sacad-muuse Reerkan imikaaniguba aan kasoo jeedo Siyaasiyiintoodii waxa iskaga qaldamey Reerkoodii iyo Xisbigoodii dadku ina aytartamaan Xaqbay uleeyihiin laakiin waxa fiicnaan laheyd in ay Xisbigoodadhexdiisa ku tartamaan laakiin nasiib darada maanta haysataa waxa weeye waxeynoqdeen badwaan waayo intay dhibaatadoodii kasoo rareen Xisbigii ayay Reerkoodii la dhex yimaadeen Reerkiibay Gudiyo ka kala dhex Sameysteen qolowaliba inatay magacii Reerka qaateen ayay yidhaahdeen Reerkiiba shiraya Shirkayimid Reerka oo baahi Reerku qabaana majirto ee niman kuraasi isku eryanayaa Dhibaatadii Reerkaa keenay waana nasiib daro mana qabo in ay midna Guul uhogaaminayso in uu tolkii helo ninka Siyaasiga ahi haduu doonayo in uu Guuleystowaxa weeyi tolkaa lama baabiiyo tolkaa la iskuma diro tolkaa lama kala  qaadqaado,lama kala riixo ee Waxa la ilaaliyaa midnimadooda iyo Wadajirkooda Sidaasaa adigana ay wax kuugu goyn karyaan,Maanta Waxa Magaalada kajira waad ogtihiin anigu waxaan leeyahey hore ugamaan hadal Mowduucaa hadii ay Kulmiye joojin waayaan Reerka y fadqalalada iyotolnimada dhexdooda ay burburinayaan Waan ka badheedhayaa arinkaa waanu kahadleynaa odoyaasha waanu la hadleynaa Salaadiinta waanu u tageynaa ama waalagu kala Guuri oo waxey noqon nin waloba halkaad doono ka bax ama ReerkunaReerbuu u noqon oo halkaasaa loo deyn haduu shirayana isagaa Shiri, anagunaSiyaasiyiinbaanu noqonoo anigana Xisbigeygaa Ucid wixii ila jooga ayuunbaan latashan iyaguna Xisbigoodaa Kulmiye wixii la jooga ayuunbey la tashan laakiinsida ay maanta wax leeyihiin Siyaasiyiinta Kulmiye iyo kuwa Xukuumda kujiraMaanta Gabiley wixii ka dhacey waad ogtihiin oo la leeyahey Wasiirkii hore eeArimaha Dibada(Dr Maxamed C/laahi)ayey laba nin oo kale telefoon kadaba direenoo ay yidhaahdeen Maamulkii Gobolka iyo ka Degmadu yaaney Qaabilin, ooMaamulkaasina ka dhuunteen waxa laga yaabaa in ay u arkeen in uu kala raacsanyahey ragan Kulmiye isku haysta dee markey ilaa Xukuumadii mareyso waadogtihiin inta nin ee Xilka laga qaadey ee loo nisbeynayo in ay khilaafka Kulmiye dhexdiisa tahey oo waxa kamid ah Dr Xuseenkan(Xuseen-Xoog) shaley lagaqaadey dad badan leh sababta looga qaadey waxa kamid ah Siyaasiyiinta KuLoolameysa Kulmiye ayuu kala raacsan yahey Xukuumada waad arkeysaa in raga Xukuumada ah ay kala raacsan yihiin Waxaa iyagaa leh, ama Xukuumad haku kalaraacsanaadaan ama Xisbi haku kala raacaan baytal qasiidkeygu waxa weeye Reerka Sacad Muuse layidhaahdaa waa Reer Kulmiyena ma aha Ucidna ma aha Wadani ma,ahaXukuumad  ma aha Muxaafid ma aha waa Reerhadii Reernimadaa loo deyn waayo nin walowba waxaad ku leedahaad kaqaadaneysaaye ku talagal”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Mar uu ka hadlayay Su,aallaweydiiyay oo ku sahabsaneyd Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lafilayo in uu qabsoomo Bisha December ee soo socota iyo saadaasha uu isagu kaqabo sida uu noqon doono Shirkaasi waxa uu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

“Ma Yoomal Qiyaamihii Kulmiyaanku Sheegaa mise Dhulgariirbaan ku tilmaamaa labadaasuu mid noqonayaaye(Qosol)ilaahay ha usahlo Qiyaamihii Kulmiye weeye odhan maayo laakiin waxaan leeyaheydhul gariirka ka dhaca kan layidhaa laba iyo toban ayuu ahaa min qiyaaskiisuinuu noqonayo dhul gariirka Dunida ka dhaca kii ugu qarax badnaa Wuxu kadhacayaa Kulmiye oo dee anagu halkan Ucidbaanu joognaa waanu usii diyaarinaynaa waadhadhka iyo Sariiraha dhaawacooda lasoo dhigi doono markaan eego waa dadkala go,ay waa ragaan wadatashi ka dhexeyn waa rag is xiniinyo taabtey, waa ragisu malmal cunsan waa rag aan Waxba wada yeelan karin imika maalin walba waxaadaragtaa dad Xisbi galaya Xisbiga kaliya ee lagalaa waa Kulmiye, waxaasna waa gurmado mid waliba waxa uu hadhow kala raaci doonaa cid markuu qaraxaasidhacana waxaa imika Kulmiye kusii qulqulayaa waxaad iga qortaan haduu Shirkaasidhaco habqanka ka dhaca weydin yaabi, Waxaan is leeyahey Kulmiye ma Shiri karo  Diisambar sow may qabsan ma Shirayaan anigaintaa iga Qora kulimye shiri maayaan waxey Shirayaan hadii ay ku tala galeeninay baaba,aan markaa waxaa loo qaatey in ay hadana Yidhaahdaan dibaanu udhignay Diisambar, waanay soo socotaa waanad maqli doontaan anuu miyaan Kulmiyeahey hadaan idiin sii Sheegayaa, wey ka baqnayaan inay ka baqaana wey tahey inay Shiraan waayo hadey Shiraan waa yoomal-Qiyaamahoodii markaa waa inay iskadurkiyaan kolba iska durkiyaan sadex bilood ku dar lix bilood ku dar laakiinwaxey ku qasbami doonaan inta ka horeysa 2015ka inuu u qabsoomo”Ayuu yidhi.

Waxa oo uu ka hadley isagoo kajawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd in uu Madexweyne Siilaanyo Magacaabyxubno Wasiiro ah oo katirsanaan jirey Xisbigii Udub ee baaba,ay SidaCaliwarancade iyo Rag kale waxa uu yidhi.

“Horta Kulmiye indhihii uulahaa markii uu Mucaaridka ahaa ma, ahee waxa uu yeeshay Indho kale Wasiiradaasuun ma aha, waxa kale oo jira dad badan oo kale oo Xataa Maamulka Xukuumadakujira waxa kamid ah Maareeyaha Dekeda Berbera(Cali Xoor-xoor) Waxa uu kamidahaa Shakhsiyaadka Kulmiye iyo Madexweynuhu ay u arkaan inuu yahey dadka ugu xunxunwaxaan ogahay Caliwarancade iyo Wixii nakal qabsadey Xukuumadii Rayaale markiiDiiwaangalintu xumaatey ee aanu laheyn laba Sanadood oo dheeraad ah ayaynuhaynaa, ee weynu khasbanahay hadii Diiwaangalintii la sixi waayey in ay Doorashada Galno ilaa Kuwii natiijada Doorashada marayay Kulmiyeba nagamuu helin iyadoo 51/persantge(boqolkiiba kow iyo kontan) nalagaga helay ayaad BBCyada ka Maqleyseen iyagoo leh maanta wax kale qofba qofkii Cali Warancadeiyo Abgaal Cali Warancade waa nin khibrad leh Abgaal inan xun uma aqaan waxaanu aqaan nin xaq uleh oo dadka kamid ah sida kuwan kale oo kama liito raga Wasiiradalaga dhigo Cali Warancadena intaasoo dhan ayuu Wasiir ahaa laakiin kuwa xumahaloo adeegsan jirey oo aaney jirin sabab kale oo ay usoo qaateen een xilna loogudhiibin inuu wax xumeeyo mooyee ayaa jira oo badan imika waxaan yaabaa markaanWarbaahinta dowlada eego ayaan dib Kulmiye unoqdaa niyow Warbaahinteenuna(REcordka)duubista hore masoo qaataan Kulmiye wuxu ka odhan jirey WarbaahintaDowlada oo uu Madexweynuhu ka odhan jirey, ee aanu ka odhan jirey hadaad aragtomarkii ay Madexweynaha noqdeen in ay Warbaahintu kasii liidato tii hore markaan Kulmiye ahaa Waxaanu ugu necbeyn dad inta Lacag lasiiyo layidhaa ordoo Tvga Qaranka kasoo caaya Kulmiye iyo Cidii Dowlada wax tidhaa Barnaamijka Waji Ku Macaashka imika waxaad arkeysaa tiiyoo sideedii ah markaasaan idhaahdaa kuwani miyaanu Kulmiye aheyn sowkuwa garanaya dadkii idaacada iyo tvga, ka caayi jirey, TusaaleWanaagsan ayaan kusiinyaa Meesha layidhaa Sheekh Abdaal ayaa intoo lacag laqeybiyay layidhi hada dadka waxan odhanayaa xaga dambey fadhiyaan kuwan lacagtabixinayaa wey garanayaan inaanu garaneyno kuwa ay yihiin kuwa abaabulayaa weygaranayaan in lagaranayo cida soo Abaabushey, waxey odhanayaan waxaadtidhaahdaan Golaha waa Qeyru Sharci waa Qaran Dumis waanu ku mudaharaadeynaalacagbaa loo dhiibayaa boodhahbaanu sameyneynaa sidii ay barigii hore necbaanjireen Kulmiye sidii baa maanta Qurux badan dadkii caadiga ahaa ee aan waxbaogeyn ee Reer Abdaal marka layidhaa waa maxey waxan aad sameyseen waa qalad ooadeer mabaanan ogeyn ayay odhanayaan qaarbaa ka xanaqaaya oo odhanaya kulamaansocon anagu waxaasi Dowladu waxey xidhxidheysaa kuwan yidhi kulama socono kuwanay lacagta siiyeen cida soo abaabushey ayaanu garaneynaa cida la raali galinayoayaanu garaneynaa, ka lacagta siinayaanu garaneynaa Xumaanta cida wadaanugaraneynaa sidii ay Shaleyba Kulmiye u garanyeen marka Xumaantaas oo kaleJirto, markaa Waxaan kula talin lahaa Xukuumada waar bal ?Alleysa fiikum Rajlumin Rashiid?,waar aad Xumaanta u taqaaneen goormuu Wanaag idinla NoqdeySu,aashaan jecelahay inaan Weydiiyo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye wixii aynushaley Xumaanta u naqaaney ma maantey Qurux badnaaneedeen wixii oodhami”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

 

Exit mobile version