WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo ka Hadlay Dareenkiisa ku aaddan Kulankii shalay Dhex maray madaxweynaha iyo madaxdhaqamedkii degaanka fiqi fuliye.

 

 

Waa Kulan Daba Socda Dedaalo dheer oo mudo badan Socday ugu Dambayntiina ku Soo Gabo-gaboobay Deeganka Fiqifuliye Dhamaadkii Bishii Hore?

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadlay Dareenkiisa ku aaddan Kulankii shalay Dhex maray madaxweynaha iyo madaxdhaqamedkii degaanka fiqi fuliye.

Wasiirku isagoo arimahaas ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan Soo Dhawaynaya Madaxdhaqameedka, Cuqaasha Iyo Wax garadka Deegaamada Fiqifuliye”

 

 

“Maanta oo taariikhdu tahay 20/08/2013, waxaa qasriga Madaxtooyada si diiran Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku uugu qaabileen Waftigii ka socday Deegamada Fiqifuliye, runtii wuxuu ahaa kulan qiimo badan oo taarikhi ah, wuxuu aha kulan laab xaadhasho iyo soo dhawayn iskugu  jira, waa kulan daba socday dedaalo dheer oo mudo badan socday ugu dambayntiina ku soo gabo gaboobay deeganka Firqi fuliye dhamaadkii bishii hore.

 

Aad baan uugu faraxsanahay in maalintan oo kale soo marto taariikhda Jahmhuuriyada Somaliland, sidoo kale waxaan dareen farxadeed ku soo dhawaynayaa Ciidankii tirada badnaa ee wehelinayey Cuqaasha iyo Madaxdhaqameedka ee iyagana 20/07/2013 lagu qarameeyey deeganka Fiqi Fuliye

 

Waxaan uugu baaqaynaa walaalaha kale ee naga maqan in ay dadkooga iyo dalkooga ku soo dhawaadaan oo ay umadooda wax la qabsadaan”

 

,… Somaliland Guul iyo Gobonimo 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version