WAJAALE NEWS

Wasiir Samaale Oo U Adeegsaday Mayorka Gabiley In Uu Danihiisa Fuliyo, Wasiirka Ganacsigana Ka Horjoogsaday Hoolka Shirarka Ee Dawladda Hoose

Golaha Deegaanka iyo dad weynaha ku dhaqan Magaaladda Gabiley oo is kaashanaya ayaa u suurtogelilyay Wasiirka Ganacsiga in uu si habsami ah u guto hawshiisa,

 

Gabiley (WJN) – Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Guddoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maraya halkii ugu saraysay.

Hirdanka labadan masuul saamayn xoogan ku yeeshay Golaha Deegaanka ee Magaaladda Gabiley, ka dib markii socdaal uu wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku tagay Maanta Magaaladda Gabiley oo u

dhashay uu soo dhaweyn ka waayay Golaha Deegaanka oo uu hor kacayo Mayorku.

 

Ka Muquurashada Mayorka Magaaladda Gabiley ayaa waxa loo dacal saarayaa in uu ka dambeeyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu si aad ah uga soo horjeeda Cid kasta oo uu u arko in ay xulafo la tahay Guddoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka Haya Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

 

Sidoo kale wararka aanu ka helanyo Magaaladda Gabiley ee Xarunta Gobolkaasi ayaa sheegaya in soo dhaweyn la?aanta uu dareemay Wasiirka Ganacsiga Somaliland ay u dheerayd in ay Golaha Deegaanka ee Magaaladaasi ay ka hor joogsadeen in uu khudbad uga jeediyo dadka deegaankaasi hoolka shirarka.

 

Mayorka Magaaladda Gabiley oo fulinaya dhawaaqa siyaasadaysan ee Wasiir Samaale ayaa iska indho tiray hawlaha uu qaranka ugu xilka saaran yahay Wasiirka Wasaarada Maaliyadda oo ay saaxiibo dhaw yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

 

Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa dareen wayn ka qabay khudbadda uu Wasiirka Ganacsigu u jeedinayay dadka deegaanka iyo waliba xubno qurbe joog ah, kuwaas oo ay ula muuqatay in uu arrimo siyaasadeed kala hadli doono.

 

Golaha Deegaanka iyo dad weynaha ku dhaqan Magaaladda Gabiley oo is kaashanaya ayaa u suurtogelilyay Wasiirka Ganacsiga in uu si habsami ah u guto hawshiisa, waxaanu dadweynaha kala hadlay hoolka Jaamacadda Timacade.

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee ka dhacda Gobolka Gabiley, waxaanay dadka deegaanku ay ku tilmaameen in ay tahay midii ugu Foosha Xumayd.

WAJAALE NEWS REPORTER

Contact Us : wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version