WAJAALE NEWS

Wadaad ka mid ah culimadda magaaladda Hargeysa oo xukuumadda ku dhaliilay Eex iyo Run sheeg la?aan Maalintii Shalay Ee Salaada Jimce (Warbixin Ayaan Idiinka Haynaa)

Hargeysa (Wajaale News)-, Sheekh Maxamed Cumar Muxumed (Sheekh Samatar) oo ka mid ah culimadda waaweyn ee magaaladda Hargeysa,  ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay ka leexatay wixii loo doortay, isla markaana ay qaatay tubtii lagu burburi lahaa, haddii aanay isdaba qaban
Sheekhan ayaa khudbadii jimcaha ee shalay ku soo qaatay dhaliilaha dul hoganaya xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

waxaanu tilmaamay in haddii aan wax laga bedelin qaabka wax loo waddo ay halis ku jirto Somaliland oo mudadii u dambaysay ay kor u kacday cadaaladda darada iyo eexda ka jirta Somaliland oo halkii ugu haraysay gaadhay.

Sheekh Samatar Cumar Muxumed oo eexdaiyo cadaalad xukumadda dalka ka jira ka hadlaya waxa uu yidhi ?in runta la isku sheegaa waa daruuri, bani?adamkuna waxa uu ugu wanaagsan inuu run ku dhaqmo, hadii run lagu dhaqmi waayo waxa iman karta dhibaatooyin badan oo ummadda soo gaadho iyo tafaraaruq, imika waxay ka muuqata xukunkeena iyo madaxtooyadeena, waxaana ummadii loo sheegaya been beenna dadka ma waddo oo waxay horseedda in la is naco iyo in la kala qaybsamo, wax badan waanu isku dayeynay in aanu saxno nasiib daro hal bacaad lagu lisay ayey noqotay?

Sheekha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ?saddexdii sanno ee u dambeeyey ee xukuumadani jirtay waxa isa soo taraya dhibaatooyin badan oo shacabka soo gaadhaya, waxa halkii ugu saraysa gaadhay eexdii iyo qaraabo kiilkii waxa soo batay in Jifo jifo loo shiro, inay beelo isku dhacaan oo dagaalo dhexmaraan, waxayna khatar galnay wakhtigii doorashadi golaha deegaanka, mudo dheer baan ku noolaa Hargeysa ilaa dawladdii Siyaad bari waligeed ma gaadhin eexda iyo cadaalad daradu halka ay maanta gaadhay, waxa xukunkii qabsaday koox macaan jecel ah oo suudh iyo niktaytuun xidhan  oo halgan iyo waxtarna ku lahayn wadanka oo meel dhow uun gaadhiga kaga soo booday, oo aqoon iyo waayo aragnimo toona lahayn ayaa dalkii cunaha iskaga duubtay,   haddii aan la sixin oo wax laga qaban oo la toosin waxa iman maalin laga calaacalo oo nin walba farta ka qaniino maaha marka in aanu foorarno oo aanu iska aamusno laakiin waaanu saxaynaa, waxaan kamid ahaa dadkii sida weyn u taageeray xukuumadan iyo madaxweynaha laakiin halka ay maanta marayso maaha wax la eegan karo, hadii wada tashigii la diido, hadii runta la isku sheegi waayo hadii la is cabudhiyo wax ku duma mooyee wax kuma hagaagan, marka waxaa loo baahan yahay in la saxo oo khaladka laga joojiyo, horumar kasta waxay ku jirta in runta la isku sheego oo ummadda cadaalad iyo xaqsoor loo sameeyo, laakiin waxa saddexdii sanno u dambeeyey jirta koox xasabiyad ah  oo madaxtooyaddii ku ururtay oo eex iyo cadaalad daro u horseeday ummaddii soo dooratay, waxay doonayaan inay waxay doonaan sameeyaan oo aan cidnaba la hadlayn waxay doonayaana samaynaya taas horumar laguma gaadho, ummaddu waxay rabtaa horumar horumarkuna waxa uu ku dhashaa cadaaladda iyo wada tashiga, waxaan aan ku hadlayaana wax aan iska idhi maaha ee waa wax aan daraasad ka sameeyey oo haddii aan la qalqalooca jira laga sixin dhibaato kale iman karto  ?ayuu yidhi.

Sheikh Samatar ayaa khudbadiisa ku soo qaatay Qiimaha ay leeday in Run lagu wada dhaqmo oo ummadda run loo sheego, waxaanu xusay in Runtu ay horseedi karto horumar kasta iyo amniga, laakiin hadii aan runta la isku dhaqin ay horseedi karto halaag iyo burbur, isago xukuumadda ugu duceeyey inay ilaahay garansiyo sida toosan iyo cadaaladdu ku jirto, waxaanu xusay in ay shacabkeedda la tashato oo aanay koox kaliya uun la dhagaysan.

SHEEKH Samatar Cumar ayaa waxa uu ka mid yahay culimadda masaajidado badan ka  dhiga Tafsiirka iyo Naxwaha, waxaanu madxweynaha usoo jeediyey inuu wada tashiga badiyo, isla markaana oo dadka dhagaysto laakiin aanay isku koobin koox kooban oo ka ag dhow madaxtooyadda.

Dadweynaha iyo Culimadda Somaliland ayaa intoodda badan baryahan dambe dhaliilo xoogan usoo jeedinayaan xukuumadda Somaliland iyo habdhaqankeedda, waxaana waxaana lagu dhaliilaa in aanay xukuumaddu ogoleen wax wada tashi ah, isla markaana awoodii madaxweynaha ay isticmaalayaan xubno aan la dooran oo awood u lahayn inay umadda ku amar taagleeyaan taas ayaa keentay inay mucaraddu sii badato.

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version