WAJAALE NEWS

Suldaan Wabar Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Inay Ka Gaabisay Nabadaynta Beelaha Xariirad.

Intaa kaddib hadii an ka hadlo xaaladda amniga iyo colaadda beelkeed ee ka taagan gobolada awdal iyo selel maaha mid sidaa u weyn oo xal loo heli karin, Beelaha colaadu dhex martay ee degaanada /selel ku sugan waa dad walaalo ah

Borama(WJN)Xubin ka tirsan  Salaadiinta  G/Awdal ayaa xukuumadda Axmed Siilaanyo ku eedeeyey inay ka gaabisay nabadaynta beelaha colaadda ku dhexmartay degaanka Xariirad, isagoo dhinaca kalena xukuumadda  ku wargeliyey inay ka fiirsato eregeda golaha guuritda ee la doonayo inay ka qayb qaataan waanwaan la filayo in dib loogu soo celiyo deggennaashaha goboladaasi ..

Suldaan Beelaha Jibriil Yoonis  ee beelaha degaanka Boorama ,Suldaan Abuubakar Wabar, ayaa  war saxaafadeed uu Boorama kasoo saaray loona qaybiyey saxaafadda

ku sheegay in colaadda  beelaha degaanka  Xariirad sidii loo dhammayn lahaa leedahay weji keli ,loona baahanyahay in jidkeeda la mariyo hadii kale lagu guuldarrdaasinba horumar gaadhsiin karaaysan doono.

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkaasi oo soo gaadhay Shabakada HWN Xafiiskeeda Boorama ayaa u qoraa sidan :

 Anigoo ku hadlkaya magaca beelaha Jibriil Yoonis kuna kala baahsan degaanada gobolka Awdal & Selel waxan marka hore hambalyo u dirayaa  Hoogaanka dhaqan ee dhawaanta samasteen beelaha degaanka Xariirad (Reer Dudub),anigoo guddigaasi dhaqan kala shaqayn doono wixii dan ah ee dalka iyo degaanada.

Intaa  kaddib hadii an ka hadlo xaaladda  amniga iyo colaadda beelkeed ee ka taagan gobolada awdal iyo selel maaha mid sidaa u weyn oo xal loo heli karin, Beelaha colaadu dhex martay ee degaanada /selel ku sugan waa dad walaalo ah oo weligoodba xallin jiray dhibaato kasta oo soo kala gaadha, ilaahayna meeshaasi wada dhigay, arrinta taagani waa mid ka dhalatay siyaasadda, iyo doorashooyinki ka dhacay Saylac oo dhibaatadeedii xariirad fadhiistay ,arrintaasi dawladdu way ka gaabisay, odaalbaa Boorama muddo ku xidhnaa oo ahaa kuwii nabadda keeni lahaa, lamana marin jidkii arrintaasi lagu dhammayn .

Golaha Guurtida haddaan usoo leexdo dadka goboladan awdal  iyo selel kuma kalsoona golahaasi, hadiise ay isku dayaan inay mar kale arrintaasi lugaha lasoo galaan ama xukuumadu u magacawdo, waxa xukuumadda kula dardaarmayaa inay soo xulaan ciddii nabadda u keeni lahayd  beelahaasi, kana fiirsato xalkeedana  ay wadajir uga hawlgalaan Guddi  ka kala socda beelaha reer Ugaadh (Ciise) iyo J/yoonis (Samaroon)beelaha ay dhibtaadau kala gaadhayna debedda ka ahaadaan, ergeda  xukuumadda, iyo golaha guurtida  ma lihi yeyeysan ka qaybgelin laakiin halaga fiirsado .

Waxa kale oon an masuulyiinta dawladda iyo shacbiga ama beelaha labadaa gobol uga digayaa inay mar kale warbaahinta isu mariyaan wax ka baxsan iskusoo dhaweynta ,lana shidin dab kale  oo sii kala fogeeya beelaha xariirad.waxanan rajaynaya in ilaahay iskusoo ururiyo beelahaasi oo ay walaaloobaan “

 Wajaale news Desk
Borama Office
Exit mobile version