WAJAALE NEWS

Sul. Abshir Oo Cali Xaydh Ka Wada Dardar Galinta Dhismaha Jidka Turki Ee Isku Xidhaya Dhulka Buuraha & Xeebaha Awdal

Sidooa kale suldaanka ayaa shacbiga degaanadan ku wargeliyey inay ka shaqaystaan dhulkooda, ogaadaana in jidkan ay midho dhalkiisa heli doonaan marka uu noqdo meel wanaagsan oo la maro

 Borama(WJN)Xubin ka tirsan salaadiinta G/Awdal ayaa  boqolaal qof u diray shaqada jidka lagu magacaabo TURKI, kaasoo dhismihiisu bilihii u dambeeyeyba ka socda degaanada u dhexeeya Cali Xaydh iyo Gargaara ee degaanka degmada Lughaya.

Suldaan Abshir Muxmed  Ducaale kana tirsan salaadiinta degaankaasi, ayaa   kudhawaad 250 qof oo ka mid ah shacbiga degaankaasi u diray shaqada jidkaasi  iskana abaabaulay degaanka Calixaydh  kaddib markii sida la shegay suldaanku dadka degaankaasi uga warramay faaiidada jidkaasi u leeyahay degaanadaasi ,gaar ahaanna isku xidhka

tuulooyinka iyo degmooyinka hoos yimaadda degmooyinka Baki iyo Lughaya  soo gaabinaysa masaafadda dheer   ee haatan loo maro labadaa degmo.

Sidooa kale suldaanka ayaa shacbiga degaanadan ku wargeliyey inay ka shaqaystaan dhulkooda, ogaadaana in jidkan ay midho dhalkiisa heli doonaan marka uu noqdo meel wanaagsan oo la maro, sidoo kale waxa uu fariin u diray qurbojooga kuwaas oo uu u sheegay inay wali taagan tahay baahidii jidka TURKI loogana baahan yahay inay soo dardar galiyaan qaadhaanada ay ku bixinayaan, iyada oo ilaa hada la gacan saaray lana hagaajiyay ugu yaraan 21ka kiloommitir oo ka mid ah kudhawaad 45ka kiiloomitir ee la doonayo in laga dhigo jidkaasi carratuurka ah .

 

 

Wajaale News Desk

Borama Office

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version