WAJAALE NEWS

SHirkii Kampala Oo lasoo Gabogabeeyey iyo Madaxweynihii somaliya Oo museveni Ku ammaaney Doorkiisa Hogaamineed ee somaliya ku Aadan War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadal……

Hargeysa(WJN) Shirkii Madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray war-murtiyeed.
Madaxdii shirkan ka soo qeybgashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale doorka AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa iyagana lagu ammaanay, lagana codsaday inay dowladda
Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib-u-habeynta socota u dhameystiri lahaayeen, iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahanyihiin.
War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada gaarsiiso dhammaan dalka oo dhan.
Waxaa kaloo War-murtiyeedka lagu xusay in AMISOM iyo hay’adaha QM ay raashinka iyo qalabka ay u baahanyihiin ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo aan dibedda looga keenin.
War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in AMISOM ka shaqeyso sidii ciidamo isku dhaf ah loo geyn lahaa Kismaayo.
Madaxweynaha iyo wafdigii oo hoggaaminayey ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku soo laabtaan dalka.

 

Wajaale Desk News
Contact Us : Wajalenews@gmail.com

Hargeysa OFFice

Exit mobile version