Awrka iyo ninka waxa u dhaxeeya waa hogaanka haddii se ay dhacdo in ninhaddii se ay dhacdo in ninka awrka wadaa hogaank Qalinkii Wariye Maxamed Sagax
awrka wadaa hogaankii uu mayalka u hayay uu cidkale ku wareejiyo isaga iyo
awrkuba toobiyihii ay hayeen way ka lumaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la filayay inuu dhamaystiri
doono kala xadaynta soohdimaha dhuleed ee gobollada iyo degmooyinka dalka
ee muranada ba?ani ka taagan yihiin, oo madaxweynihii hore ee Daahir
Rayaale Kaahin uu ku dhici waayay inuu kala xadeeyo xuduudaha gobollada iyo
degmooyinka dalka, ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ku
guuldaraysteen muddadii saddexda sano ahayd ee ay xilka hayeen, taas oo
ilaa hada la garan laayahay sababta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo
xukuumadiisa Kulmiye oo ku balanqaaday inay kala xadayn doonaan xuduudaha
gobollada iyo degmooyinka ay ugu guuldaraysteen.
Fadeexada xukuumada kulmiye ee
ku wajahan dhamaystir la?aanta kala xadaynta
soohdimaha gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa nasiib daro ah ilaa hada
madaxweyne Siilaanyo aanu u dareen lahayn wax ka qabashadeeda, taas oo
muwaadiniin badan iyo deegaano door ah ay xaqooda cod bixinta
doorarashooyinka lagu duudsiyay kala xadaynta la?aanta soodimiha gobollada
iyo degmooyinka oo muranada cakirani ka taagan yihiin, taas oo deegaanada
waqooyiga Hargeysa ilaa hada doorashooyinka qabsoomidooda xayiraadi ka
saran tahay.
Waxa kale oo ay xukuumada kulmiye muddadaa saddexda sano ah ay ku
fashilantay inay qiimayso todobada gobol iyo dhawr iyo sodonka degmo ee
xukuumadii Udub sii magacawday ee aan sharciyaysanayn, oo laga sugayo in
xukuumada Kulmiye ay golayaasha Baarlamaanka ka ansixin doonto gobollada
shuruudihii gobolnimo buuxiyay iyo kuwa aan buuxinin, hase yeeshee
madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaa si weyn ugu guuldaraystay
inay si dhab ah u sharciyeeyaan gobollada iyo degmooyinka magic u yaalka
ah, arrintaas oo ka mid ah fadeexadaha waaweyn ee dhabta u saaran xukuumada
madaxweyne Siilaanyo.
Madaxewyne Siilaanyo ayaan ilaa hada war cad ka bixinin asbaabaha keenay
guuldarada kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka. la soco ????
Maxamed Sagax