Hargeysa (Wajaale News)- Maxkamadda sare ee Talyaaniga ayaa ansixisay xukun xadhig ahaa oo horey loogu riday Ra’iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi.
Berlusconi ayaa si cadho leh uga jawaabay arrintan, waxaa uu sheegay in lala beegsaday dacwado iyo maxkamado aan munaasab ahayn
Waxaa uu xabsiga haatan ku qaadan doonaa muddo hal sano ah.
Cod muqaal ah ama video ah oo uu soo duubay ayaa Berlusconi waxaa uu ku sheegay in uu ka xun yahay in 20 sano oo uu dalka u shaqeynayay kaddib lagu abaalmariyay xukun noocan ah.
Berlusconi ayaa beeniyay in uu gaystay wax isdabamarin ah oo dhanka canshuuraha ah.
Hasa ahaatee, waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhisay ganacsi ballaadhan, taasi oo u suuragelisay in uu dad badan shaqaalaysiiyo, iyo welibo inuu bixiyo canshuuro gaadhaya malaayiin doolar.
Berlusconi ayaa ah nin oday ah, sidaas darteed , xadhiggiisa waxaa uu ku dhamaysan doonaa gurigiisa, amaba waxaa uu qaban doonaa howlaha bulshada.
Taageerayaashiisa ayaa isugu soo baxay dibedda guriga uu ku leeyahay caasimadda Talyaaniga ee Rome.
Dadka ka soo horjeeda ayaa sidoo kale qabtay dibedbaxyo ay ugu dabbaaldegayaan go’aanka maxkamadda.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dib loo eega in Berlusconi uu mustaqbalka qaban karo jago siyaasadeed iyo in kale.
Berlusconi waxaa uu ka mid yahay dadka ugu taajirsan Talyaaniga, isagoo dhaqaalahiisa lagu qiyaaso in uu gaarayo 9 bilyan oo doolar.
Wajaale News Desk
Hargeysa / Somaliland